Muqdisho,(insidesomalia.org)-Wararka ka kala imaanaya deegaanno ka tirsan Soomaaliya ayaa sheegaya in meelo kala duwan oo ay ka midka ahaayeen gobolladii ugu abaarta badnaa dalka Soomaaliya ay si fiican ugaga biloowdeen Roobabka xilliga dayrta sannadka Hijriyada 1429.
Wararka arrintaan la xariira ayaa sheegaya in inta badan deegaannada gobollada Gedo iyo Hiiraa,Gal gaduud iyo Shabeellada Hoose ay ka biloowdeen roobab aad loogu diirsaday ALLAAhna loogugu shukriyay ee xilliga dayrta.
Deegaannadaan oo ka mid ahaa kuwii ugu abaarta badnaa Gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa roobabka ka da,ay ay yihiin kuwo ay dadweynuhu niyad ahaan aad ugu farxeen qalbiyaduna ugu qaboobeen.
Dhinaca kale wararka Roobkaasi la xariira ayaa sheegaya in ay jiraan xoolo horayba u ahaa qaar ka haray intii abaarta u baabaday caatana meelo la fadhiyeen ay sababsadeen in roobabkaasi ay ku geeriyoodaan.
Wararka roobabka iyo fatahaadda ayaa dhanka kale waxaa jira in ay jiraan meelo uu aad uga fatahay Wabiga Shabeelle gaar ahana deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.oo iyaga laftoodu dhibaatooyin gaysteen.