|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Roobab aan kala go,laheyn oo ka da,ayo Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran xalay ilaa iyo xiligaan ayaa waxaa ay geesyteen qasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Roobabkan oo da'aya in ka badan 10 saacadood ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ku yeesheen dhaq dhaqaaqii Magaalada sida isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga Magaalada, waxaana uu biyo dhigay wadooyinka Magaalada qeybo ka mid ah.
Roobaabkaan oo biloowday xalay saqdii dhexe isla markaana wali da,ayo xiligaan aan joogno oo saacada Muqdisho ay tahay 1:30 daqiiqo ayaa waxaa soo baxayo qasaarooyin nafeed oo ay geysteen dhawrki saacadood ee lasoo dhaafay.
Ilaa iyo 4 caruur ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen deegaanka Carbiska ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabelaha Hoose,waxaana caruurtaasi ay udhinteen sida ay sheegeen dadka deegaankaasi dhibaatooyin kasoo gaaray roobabka mahiigaanka ah ee ka da,ayo Muqdisho iyo deegaanada ku xeeraan.
Meelaha sida aadka ah uu usaameey roobka ayaa waxaa ugu muhiimsan suuqayada waweyn ee magaalada Muqdisho ,kuwaas o xiran,waxaa sidoo kale aana jirin dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee wadooyinka caanka ah iyo kuwa jid cariyada ee degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Suuqyada Xiran maanta ayaa waxaa ka mid ah Suuqa Bakaarah,Suuqa Bacaad ,Suuqa xamar Weyne iyo kuwo kale oo ku yaalo magaalada Muqdisho,waxaana dadka u suurtoobi weysay in ay uklahaan goobahooda ganacsiga.
.jpg)
Gaadiidkii kala duwanaa ee saaka Magaalada Muqdisho soo geli jiray ayaa gebi ahaanba istaagay, waxaana wadooyinka dhex ceegaaga biyo fara badan iyadoona dhulka uu ka qodmay godad waaweyn,taasoo keentay in ay kari waayaan baaburta maritaanka wadooyinka.
Roobabka sida joogtada ah u da'aya ayaa waxaa ay saameynta ugu badan ku yeeshaan dadka barakaceyaasha ah ee aan heysan wax ay kaga hortagaan kuwaasi oo qaarkood ay horay caruur ugu dileen roobab sidan oo kale u da'ay, waxaana dadka oo ku jira Buushash aan awoodin inuu roobka celiyo ay heysataa xaalad nolol xumo.
Waxaa wali jirto casbi ay qabaan dadka kunool magaalada Muqdisho taasoo ku aadan in ay sii korodho qasaaraha roobabka,maadaama roobabku ay wali ka da,ayaan Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ay dadku ku barakaceen.
|