Hiiraan,(insidesomalia.org)- Roobab lagu diirsaday ayaa 24kii saac ee ugu dambeysay waxaa ay ka da'een qeybo ka mid ah Gobolka hiiraan oo abaaro Ba,an ay kajireen.
Roobabkan ayaa sida dadka ku dhaqan Gobolkan Hiiraan ay sheegeen waxaa ay da'een xili ay Gobolku ka jirto abaar iyo cuduro dabo dheeraad, kuwaasi oo sababay dhimaso dad iyo duunyo, waxaana roobabkani haatan ka da'ay Gobolka Hiiraan ay noqonayaan kuwo dadka iyo duunyadaba ay ku diirsadeen.
Roobaabkan oo ah xiliga gu'ga ayaa waxaa si weyn looga sugayay in uu goor hore ka da'o Dalka Soomaaliya, balse waxaad moodaa in xoogaa uu dib u dhacay xiligii ay dadku sugayeen, waxaana meelo badan oo Gobolada Dalka ah oo abaarta ay la degtay haatan ka da'ay roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaaso qasaaro geystay.
Roobabka haatan ka da'ay Gobolkan Hiiraan ayaa sida aan ka warhaayno qasaaro la sheegikaro aanu geysan marka laga tago meelaha qaar oo xoolaha ay dhinteen, islamarkaana ah kuwo liitay oo abaartu kala reebtay.
Meelaha uu roobka ka da'ay ayaa waxaa ka mid ah Magaalada B/weyne, waxaana ka da'ay roob lagu qaboowsaday walow wadooyinka qaar ee Magaalada lala mari waayay biyo fariisimo uu sameeyay roobka.
Dadka reer miiga ah ee xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan meelaha roobku uu ka da'ay ayaa si weyn ugu faraxsan roobabkan waxayna ILAAH ka bariyeen in mid kaloo ka weyn uu siiyo maadaama abaaro, cuduro iyo sicir barar ay in badan halakeeyeen Dadkan danterta ah.
Roobkan ka da'ay Gobolka Hiiraa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Culumaa'udiinka iyo oday dhaqameydyada iyo qeybaha kale ay sameeyeen dibad baxyo roobdoon ah.