|
Ceelasha Biyaha,(insidesomalia.org)- Dadka ku bara kacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dersay xaalad adag oo xaga hooyga ah, kadib markii ay ka curteen Dalka Soomaaliya gaar ahaa Gobolada Konfureed xili roobaadka ee Gugaga.
Roobabkii guga oo xalay ka curtay Gobolada konfureed ee Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa ay saameeyn weeyn ku yeelatay Sadka tirada badan ee ka bara kacay Dagaalada Ka socda Magaalada Muqdisho ee ku nool Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabelaha Hoose.
Dadkani oo isugu jira Caruur iyo haween ayaa waxaa ay ku nool yihiin aqalo Ka sameeysan Cooshado, kuwasi oo aan celin karin Roobka da’aya iyo milicda Qoraxada
Waxaa saaka deegaankasi lagu arkayay dad fara badan oo u badnaa Haween, kuwasi oo leerinaya Furaashyadii iyo welba dharkii ay lahaayeen oo ay ka qooyeen roobabkii xalay ka daya Deegaankii ay ku noolaayeen.
Haweeney ka mid ah Haweenka Somaaliyed ee ku nool Deegaanka Ceelsha Biyaha oo u warameeysay Warbaahinta ayaa sheegtay in xalay oo dhan aysan indhaheeda isku geeyn, isla markaana caruurteeda ay la joogi waayeen dhaxanta dheceeysay daraadeed waxaana ay Hay’adaha gargaarka ka codsatay in gargaar ay la soo gaaraan dadkasi Dhibaateysan.
Sidoo kale waxaa ay haweeyneeydasi ay sheegtay in dhibaato ay ku qabeen markii hore nolosha caadiga ah iminkana ay ugu darsoontay mid hoyga.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ay saameeyn weeyn ku yeelatay dadkasi Roobabka ka curta Dalka Soomaaliya waxaana sanadkii hore sidan oo kale ay saameeyn weeyn ugu yeelatay dadkaasi Roobab kada’ay Dalka Soomaaliya.
|