|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Dadka ku bara kacay duleedka Magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay xili Roobaadka ku soo Fool leh Dalka, Maadaama ayan heeysan meel ay kaga gabaadaan,waxaa ay haystaan dadkaasi Aqalo Cooshado kasameysan oo aan roobka celin.
Cabsi xoogan ayaa soo food saartay Dadka ku bara kacay Deegaanada Ceelsha Biyaha iyo Deegaanka Gal galato ee duledada Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo kacararey Dagaalada aan dhamaadka laheyn ee kasoconaya caasimada soomaaliya ee Moqdishu.
Dadkan ayaa cabsidooda ka danbeeysay, kadib markii habeenadan dhanka Woqooyi laga arkayay hilaac fara badan, kaasi oo tilmaan u ah Roobka soo fool leh, roobabkaasi oo hada kabilowdey qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.
Qooysaka ku bara kacay duleedka Magalada Muqdisho, isla markaan ka cararay dagaalada ayaa waxaa ay sheegen in cabsidooda ku aadan Roobabka soo fool leh ay ka danbeeysay kadib makii ay ka idlaadeen Bacihii ay heeysteen, isla markaana qaarkood ayan heeysan meel ay ka galaan Roobabka.
Dadkani ayaa baaq ku aadan dhibaatada ku soo fool leh u jeediyeen Beesha Caalamka,Ganacsatada iyo Dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dhibaatada haysata.
“Dhibaatooyin isugu jira Biyo la’aan, Hooy iyo weliba Cuno yari ayaa waxaa ay dadka ku bara kacay duleedka Magalada Muqdisho ka cabanayeen dhawaanaha, hadana waxaa u soo siyaaday cabsida Roobabka ku aadan” Sidaa waxaa yiri Mid ka mida dadka ku bar kacay deegaanka Gal galato oo cabiryay Xaaladooda.
Qeeylo dhaanta Dadkani ayaa waxaa ay ku soo beegmeeysaa xili ayan jirn cid u istaagtay wax ka qabashada xaalada Dadkaasi ku dhibaateeysan duleedada Magaalada Muqdisho.
|