Bledweyne, (insidesomalia.org)-Waxaa dhibaato ba'an ay la soo diristay dadka soo baro kacay ee ku jiro xeryo baco iyo maryo ka sameyso oo ku yaalo gudaha iyo daafaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dadka oo isugu jiro kuwo ka soo cararay Gobolada Bay,Bakool Gado, dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyo barakacayaashii ugu dambeeyay ee ka soo cararay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dadkii ugu dambeeyay sidoo kale ee ka soo baro kacay Degmada Buulo-burte ee Gobolkan Hiiraan.
Dhibaatooyinka ugu daran ee haysto dadkan ayaa ah Macluul Nafoqo daro,Caafimaad xumo iyo Hoy la'aan walow Bishii aynu ka soo gudubnay wax xoogaa raashiin ah ay u qeybisay Hay'adda CARE International oo iyadu raashiinkaasi u marsiisay NGO-yo kala shaqeya qeybinta rashiinka loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka dhibaatada cuno yarida haysato oo soo barakacay.
Dhibaatada ugu daran waxaa ay haysataa caruurta dadka soo baro kacay, kuwaasoo aad ku arkayso marka aad tagto xeryaha ay dagan yihiin dadkaasi iyagoo ay ka muuqato macluul iyo nafaqo daro waxaana la ii sheegay mar aan tagay xeryahaasi in caruur badani ay u dhimatay nafaqo daro iyo cudurka shubka halka qaar kale oo badana la ii sheegay in ay la ildaran yihiin Shubanka iyo nafaqadarada.
Dadkan ayaa waxaa ay kuu sheegayaan in dhibaatada ugu daran ay tahay caafimaad xumo iyo waliba iyadoo xiligii roobka uu bilowday, islamarkaana aysan haysan meel ay ka galaan qabowga iyo debeelaha Roobka, waxaana aad arkaysaa marka aad booqoto xeryaha ay ku jiraan dadkani in ay yihiin kuwo u nugul dhibatada.
Dadakan ayaa ilaa iyo haatan cid wax u qabatay aysan jirin marka laga soo tago dadka ugu roon oo ay sheegeen in ay wax u qabteen oo ah dadka afka uun ka sheegay dhibaatada haysato dadkaasi Qaxootiga ah.
Waxay dhamaan umada soomaaliyeed ee wax haysato iyo beesha caalamka ka codsadeen dadkani in wax loo qabto oo lacaawiyo.
Ma'ahan markii ugu horeysay oo ay dhibaatada haysato dadkani darteed u codsadaan in wax loo qabto ilaa iyo haatana waxa ay sheegeen in wax muuqdo oo loo qabtay aysan jirin marka laga reebo wax yar oo aan baahidooda daboolin oo ay bixiyeen Hay,adaha gargaarka ee jooga Soomaaliya qaar kamid ah.