|
Muqdisho, (insidesomalia.org)-Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho in ay qaataan deeq raashiin ah oo ay Qiibiyeen Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo ku tilmaamay in deeqdaasi ay tahay mid sun ah.
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Max’ed Xasan Xaad oo xalay u waramay Idaacadaha locolka ah ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay qaataan deeq ay baxshaan Ciidamada Itoobiya ee jooga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu Xaad sheegay in deeqdii shalay ay bixiyeen Ciidmaada Itoobiyaanka in ay tahay mid ay ku doonayaan in ay ku sii jeediyaan indhaha Caalamka, isla markaana ay ku qaldaan rayu caamaka.
Max’ed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka aan looga Baran in ay shacabka Soomaaliyeed u qeeybiyaan Gargaar ay u fidiyaan,sababaha ay uga gol leeyihiina ay tahay in ay ku furtaan Wadooyinkii laga soo xir xiray dhamantooda ayna doonayaan in laga soo ag dhawaado oo ay dadka sumeeyaan waa sida uu hadalka u dhigayee.
Shalay ayeey hayeed marii ay Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Wasaaradii hore ee Gaashaan dhiga ay u qeeybiyeen dadka ka agdhaw halkaasi sida la sheegay raashiin aan sidaasi u sii badneeyn oo ahaa Masago oo kaliya.
|