|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Wadada Koowaad ee Jen Daa'uud ee isku marta Xaafadaha Yaaqshiid, Wardgiigley ilaa iyo Boondheere ayaa kala go'aday kadib markii roobab lixaad leh habeenkii xalay ahaa ka da'een Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waa Roobabkii ugu horeeyay oo Magaalada ka da'aan isla markaana geystaan khasaarooyin tan iyo 1998 ilaa iyo sanadkii 2006 dii waqtigaas sidan oo kale roobaab uga da'een Magaalada.
Qoys degan Xaafadda Wardhiigley ayaa xalay waxay qasab ku noqotay inay ku hoydaan Masjid ku yaala agagarka Dugsiga Sare ee 15 May kadib markii daad qaaday gurigooda, mana jiraan wax ka fakaday gurigaas xitaa cuntadii qoyskaas biyaha ka cararay waxaa qaaday daadkii ka dhashay Roobabkii xalay ka da'ay Magaalada Xamar.
Wararka ayaa sheegaya in meelaha qaar ay ka jiraan dhibaatooyin adag, sida qoysaska degan Kaamamka ku yaala Xaafadaha ka duwan Magaalada Muqdisho.
Kaam ay ku nool yihiin ilaa iyo 100 Qoys oo asal kooda ka soo qaxay koonfurta Soomaaliya 10 kii sano ugu dambeysayna ku noolaayeen kaamkaas oo ku yaala Degmada Boondheere ayaa laga soo sheegaya xaalado halis ah, kadib markii qoysaska halkaas degan ka dumeen aqaladooda.
Qoysaskan ayaa waxay ku nool yihiin dhismayaal ka kooban baakooyin, baco iyo geedad u nuqul dabeesha iyo Roobabka, mana haystaan meel ay gabaad ka dhigtaan Roobabka iyo dabeylaha socda.
Qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada ayaa adag in la maro, waqtigii hore ayaa Waddooyinkaas waxay ku burbureen dagaaladii ka dhacay Caasimadda, mana helin 18 Sano wax dayactir ah sidaas darteed Gaadiidka ka shaqeeya Xaafadaha Magaalada waxay dhex maraan gudaha xaafadaha iyagoo ka wareegta Laamiyada sababo iyagoo ka baqaya in waxyeelooyin soo haaran Matoorada iyo Lugaha Gaadiidkaas.
|