Home arrow Kaalmo arrow Mas'uul ka Tirsan Hay'adda WFP oo Lagu Dilay Diinsor
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:97
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:102
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:36
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:48
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:40
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 19 2008
Mas'uul ka Tirsan Hay'adda WFP oo Lagu Dilay Diinsor
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 19 August 2008

Calaamada WFPDiinsoor,(insidesomalia.org)- Kooxo hubysan ayaa toogasho ku dilay sarkaal ka tirsan hay'adda WFP iyo darawalkiisii xilli uu booqasho ku joogay dalka Diinsoor, halkaasoo ay dagan yihiin xaaskiisa iyo caruutiisa.

 

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Qaadir Diyad Maxamed ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan, iyagoo la toogtay darawalkii gaariga u waday oo ay Hay'adda WFP sheegtay inuusan ka mid ahayn shaqaalahooda.

 

"Dilkaas wuxuu ahaa mid arxandaro ah, waxaana lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adeena" ayuu yiri Madaxa guud ee WPF Josette Sheeran, isagoo intaas ku daray inay tacsi u dirayaan ehelada iyo cid walba oo garanaysa sarkaalka.

 

Maxuumka ayaa ahaa Madaxa dhaqaalaha iyo Maamulka ee WFP Soomaaliya, wuxuuna shaqada u bilaabay laba bilood ka hor, isagoo xafiis weyn ku lahaa Degmada Waajid ee Gobolka Bay.

 

Ruux kale oo la socday Cabdi Qaadir iyo darawalkiisa ayay hay'adda WFP sheegtay inuu cagihiisa kaga baxsaday, iyagoo damacsanaa inay dilaan, waxayna hay'addu ku tilmaantay falalkaan kuwo laga naxo.

 

WFP ayaa qorsheynaysa in ay cuno gaarsiiso Soomaaliya gaaraysa 2.4 Milyan, kuwaasoo dhibaatooyin cunno ay ku hayso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan goobaha loo barokacay.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >