Home arrow Kaalmo arrow Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo la Dilay
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:106
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:106
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:44
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:50
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:46
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 07 2008
Madaxii Xafiiska Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo la Dilay
Written by Ali Moallim   
Monday, 07 July 2008

UNDPMuqdisho,(insidesomalia.org) - Waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya madaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP.

Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Cali Axmed ayaa waxaa toogtay rag hubeysan, kuwaasi oo ku sugayay meel u dhaxeysa gurigiisa iyo Masjid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday oo ku yaala Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Madiina.

Marxuumka oo markii la toogtay dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Amisom ayaa daqiiqado kadib halkaas ku geeriyooday, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu marxuumka la dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ay qaraabo ahaayeen, kaasi oo uu lugta dhaawac ka soo gaaray.

Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa ka hadlay Qaramada Midoobay si weyn u cambaareysay kooxihii dilkiisa ka dambeysay, iyadoo sidoo kalena ay cambaareeyeen Hay’ado u dooda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.

Dilka Marxuum Cusmaan Cali Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadkii hore gudahiisa lagu dilay magaalada Muqdisho nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdikariin Shekh Ibraahim, kaasi oo gacanta ku hayay in ka badan 1000 Agoon ah oo qaarkood ay sanadkan bilaabayeen waxbarasho heer Jaamacadeed ah.

Horayna waxaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho looga af-duubtay sarkaal isna u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, kaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali Maxamed. Sarkaalkan weli wuxuu ku jiraan gacanta kooxihii af-duubtay.





 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >