|
Nairobi,(insidesomalia.org)- Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa sheegtay in ku dhawaad saddex milyan oo carruur ah oo ku sugan Geeska Africa ay halis ugu jiraan geeri, cudurro iyo nafaqodarro ka dhashay masiibooyin isbiirsaday oo isugu jira abaaro, colaado iyo qiimaha raashinka oo kor u kacay waa sida ay Hay'addu Warbixinteeda ku sheegtay
Carruurtan ayaa kamid ah 14 milyan oo dad ah oo masiibooyinkaasi ay si ba'an ugu saameeyeen dalka Itoobiya, Soomaaliya, Eritrea, Kenya, Uganda iyo Jabuuti.
Haddii aan gargaar degdeg ah lala gaarin dadkan tabaaleysan, UNICEF waxa ay sheegeysaa in tiradu ay 14 milyan si fudud uga sii badan karto, gaar ahaan Gobolka Geeska Africa
Per Engebak, oo ah agaasime goboleedka UNICEF u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Africa, ayaa sheegay in halista soo foodsaartay carruurta iyo qoysaskooda ay tahay mid baaxad weyn, isla markaana uu wakhtigu sii dhammaanayo.
"Waxaa loo baahan yahay hoggaan adag xilligan kala guurka ah, waana in taageero caalami ah si degdeg ah loo helo si loo badbaadiyo caruurtaas”ayuu yiri Per Engebak, oo ah agaasime goboleedka UNICEF u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Africa.
Howlaha gargaarka ee laga wado meelaha aafadu gaartay ayaa waxaa xagal-daacinaya dowlad-xumo, iyo iyadoo meelaha qaar, sida Somalia, la bartilmaameedsanayo shaqaalaha gargaarka, sidaas waxa tiri hey'adda UNICEF.
Intaas waxaa sii dheer, ayuu yiri Mr. Engebak, iyadoo aan meelaha qaarkood ee dhibaatadu ka jirto aanan-ba la gaari karin, iyo iyadoo qiimaha raashinku uu cirka isku shareeray.
Qiimaha raashinka ayaa tusaale ahaan boqolkiiba laba boqol sare u kacay, siddeedii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo qoysas badan u suurta-galin weyday inay raashin iibsadaan.
Dalka Somalia , UNICEF waxa ay sheegtay in qiimaha cuntadu uu sare u kacay boqolkiiba saddex boqol, meelaha qaar-na boqolkiiba kun.
Walaaceygu wuxuu yahay ayuu yiri Mr. Engebak, in masuubida ka dhalata arrintan ay saameyn aan laga soo kabsan karin ku yeelato dadka Geeska Africa.
Si gaar ah, ayey UNICEF u soo hadal qaadday dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya. Carruur tiradoodu kor u dhaafeyso afar milyan iyo bar ayaa abaaro iyo nafaqo darro la il-daran dalka Ethiopia.
"Somaliya dhibaato taas la mid ah ayaa ka jirta. Waxaana uga sii dareya kacdoonka socda ee dhiigga badani uu ku daatay, kaas oo ku dhawaad hal milyan oo qof ka barakiciyay caasimadda Muqdisho."ayuu yiri Per Engebak, oo ah agaasime goboleedka UNICEF u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Africa.
Mr. Engebek ayaa sheegay in dhibaatooyinkaas ay uga sii dareen ammaan darro ka jirta dekedda Muqdisho, oo ah tan ay soo maraan 80% agabka soo gaara dalka. Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobey ay u baahan tahay ugu yaraan $10 milyan oo dollar oo ay wax uga qabato ammaanka caasimada |