|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Laba qof oo u dhashay dalka Taliyaaniga in ka badan saddex biloodna lagu haystay Muqdisho ayaa la sii daayay, iyadoo la sheegay in ay sii dayntooda ka shaqeeyeen waxgarad, halka warar kalena ay sheegayaan in madaxfurasho la bixiyay.
Labadan qofood oo kala ahaa rag iyo Dumar ayaa laga soo qafaashay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo kooxaha afduubtay xoog ku galeen guri ay ka daganaayeen degmadaas.
Ruuxa ragga ah ayaa lagu magacaaabo Francesco Paganini, iyadoo ruuxa haweeneyda ahna lagumagacaabo Jolanda Occhipinti, waxayna ka tirsanaayeen hay'ad ka shaqeysa beeraha oo lagu magacaabo CINS.
Diyaarad nooca yaryar ah ayaa ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Maqribnimadii shalay, taasoo xalay fiidkii geystay Nairobi, waxaana soo dhaweeyay dublamaasiyiinta safaaradda Soomaalida ee Kenya.
Qusulka Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay in labada ruux ay ka muuqatay dhibaato aad u xoggan, isagoo sheegay in ninka oo 70-jir ka badan iyo haweeneyda oo 50-jir kor u dhaafaysa ay labaduba aad caato u ahaayeen.
Ruux Soomaali ah oo lala afduubtay labada qof ee shisheeyaha ah laguna magacaabo Cabdiraxmaan Max'ed Caraaye (John) ayaa weli loo haystaa afduub, iyadoo aan la garanayn sababta looga reebay labadan qof, lama oga in laga doonayo madaxfurasho iyo in kale.
Dadkaan ayaa qayb ka ahaa shaqaale gargaar oo lagu haysto Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan shisheeye u dhashay dalalka Kenya iyo England, kuwaasoo 7-bilood ka hor lagu afduubtay Gobolka Jubbada dhexe.
|