Home arrow Kaalmo arrow Labo Qof oo Biyo La'aan Darteed Ceel ugu Dhacay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:143
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 08 2008
Labo Qof oo Biyo La'aan Darteed Ceel ugu Dhacay
Written by Ali Moallim   
Friday, 08 August 2008

Bil Ciile,(insidesomalia.org)-Labo qor ayaa geeriyootay kadib markii ay ku dhaceen meel ay biyo ka dhaansanayeen oo ku taala Tuulada Bil Cille ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Geerida dadkaan ayaa timid xili ay doonayeen in biyo ka cabaan baraag ku taala tuulo lagu magacaabo Bili cili oo 60 KM kaga toosan dhinaca galbeed degmada Cadubwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Tuulada Bil cille ayaa waxaa ay ku taala dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana dadka ku geeriyooday ay ahaayeen wiil iyo aabihiis kuwaasi oo biyo ka dhaasansanayay Baraag biyaha lagu kaydiyo oo dadka deegaankaasi ay biyaha ka cabaan.

 

Waxaa marka hore gudaha baraagta ku fakaday wiilka yar oo da’aadiisa lagu sheegay 20  jir balse wax yar kadib ayaa aabaha dhalay wiilkaas oo aan meesha ka fogayn waxaa uu damcey in uu soo bad baadiyo wiilkiisa taasi oo keentay in uu aabihii xitaa ka dabo xaroodo baraagta,waxaana la sheegay in labadaasi qof ee is dhalay ay doonayeen in ay afkooda ugu cabaan biyaha baraagta kuwaasi oo kamid ahaa dadka tuuladaasi.

 

Qaar ka mid ah Ehelada dadkaasi ayaa sheegay in baraagta ay dadkaasi ku dhaceen ay markeedii hore biyo sidaas ah ku jirin taasi oo keentay in wiilkaan iyo aabihiis oo haraad xun uu hayay ay sababtay in ay ku dhacaan gudaha Baraagtaas iyagoo biyo ka raadinaya.

 

Bartamaha isbuucaan ayaa waxaa horay ugu dhacay gabar 16 jir baraag  tuulada gal meegaag oo ku taala meel ku dhow degmada Caabudwaaq,waxaana la sheegay in gabadhaas ay ahayd qof haraad fara badan uu hayay.

 

Arintaan ayaa waxaa keenay biyo la’aan ka jirta tuulooyinka ka agdhow dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,waxaana ay biyo la’aantaasi sababtay in ay dad fara badan u geeriyoodaan halka dad kalena ay isku dileen biyo la’aan soo food saartay.

 

 

 

 

 

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >