|
Qahira,(insidesomalia.org)- Jaamacada Carabta iyo barnaamijka cuntada aduunka Qaramada Midoobay ee WFP ayaa markii ugu horeysay waxay si toos ah uga wadahadleen talaabooyin lagu doonayo in lagu gargaaro bulshada Soomaalida.
Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Dr.Caamir Muusa iyo ku xigeenka Madaxa Hay’ada Cunada Aduunka ee WFP John Bowl ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Magaalada Qaahir ee Caasimada Dalka Masar ayaa waxay kaga wada hadaleen sidii dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateeysan gudaha Dalka ay u soo gaarsiin lahaayeen gargaar Bini’aadanimo oo deg deg ah.
John Bowl oo ah ku xigeenka Agaasimaha Hay’ada Cunada Aduunka Ee WFP ayaa sheegay in ay ku talo jiraan sidii shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ay u gaarisiiyaan cunto balse ay hor tagan yihiin Caqabado dhanka Ammaanka ah.
Labada Masuul ayaa waxay ugu baaqeen dhamaan wadamada deeqaha bixiya iyo hay’adaha gargaarka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan oo ay gargaar la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay la soo daristey dhibaatada, iyadoo la fudadeynayo dhabaha ugu haboon ee gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee Soomaaliyeed.
Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Dr.Caamir Muusa wuxuu kulankaasi markii u soo dhamaadey uu saxaafada u sheegay in Jaamacada Carabta ay gacanteeda ka gaysan doonto talaabooyinka lagu taageerayo Soomaalida.
Docda kalena Golaha Baarlamanada Carbeed ayaa waxay kulan ay yeesheen ku gorfeeyeen in loo baahan yahay in la sameeyo qoondo dhaqaale oo loogu tala galey dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
|