|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Qaar ka mid ah Ehelada dadkii ku dhaawacmay duqeyntii xalay ka dhacday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi ay heysato dhiig la'aan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu baaqeen in ay caawimaad u fidiyaan dadkaan ku dhibaateysan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Abshira Cali kheyri waa Hooyada Shan Caruur ah oo ay dhashay ku geeriyoodeen Gurigooda oo ku yaala xaafada gubta, islamarkaana lugta ka go'an ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay dhiig ugu tabarucaan Hooyooyinka Soomaaliyeed.
Abshira Cali Kheyre ayaa intaasi ku daray in dadkii u soo gurmaday laga waayay dhiig nuuciisu yahay naga tiif marka laga reebo 5 liitar ee dhiig aysan ku filneyn nafsadeeda halis ay ku jirto.
Arintaan naxdinta leh ee la soo gudboonaatay hooyadan Soomaliyeed ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Isbitaalada Magaalada Muqdisho la geeyo maalin kasta dad Soomaaliyeed oo laga yaabo duruuftooda aysan u saamaxeynin in ay helaan daawooyinka iyo wax yaabaha kale ee muhimka u ah .
Qebo ka mid ah wax garadka Soomaalida ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan sidii loo caawin lahaa Hooyada Soomaaliyeed oo shan Caruur ah ay dhashay ay ku geeriyoodeen duqeyntii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho una baahan sidii wax loogu qaban lahaa oo hada jiifta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Abwaan Cusmaan C/laahi guuri oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ayaa shacabka ugu baaqay in ay u soo gurmadaan hooyadan Soomaaliyeed oo u baahan dhiig lagu sheegay in uu yahay naga tiif Islamarkaana Caruurteeda kuwaasey duqeyntii shaleu kadhacdey Muqdisho,waxaana Abwaanka uu sheegay in gadhaasi ay nafsadeeda ay halis ku jirto shacbakna looga baahanyahay in ay u soo gurmadaan.
.
|