|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Hay’ada MSF ayaa Deeq Baco ah oo ah nuuca Roobaka laga galo gaarsiisay shalay ilaa iyo 1500 oo Qooys oo ku jira deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkasi oo ay ku sugan yihiin kumanaan Qooys oo ka cararay rabshadaha ka jira Magaalada Muqdisho.
Cusmaan Ibraahin Foto oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’ada MSF ayaa Saxaafada u sheegay in dadka qaxootiga ah ee kunool xeriyahaasi ay gaarsiiyeen deeq kakooban bacaha roobka laga galo iyo alaabo kale oo fara badan,taas oo aheyd mid ay aad ugu baahnaayen.
Sarkaalkasi ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadayaan howsha ay ugu gargaarayaan dadka Qaxootiga ah, maalmaha fooda inagu soo haya ay bilaabi doonaan Gargaar Baco loogu qeeybinayo dadka ku jira Xeryaha Carbiska, Ceelsha Biyah,Lafoole iyo goobo kale oo ka mid ah halka ay dadka ku bara keceen.
Mr Foto ayaa intaa ku daray iyagoo eegaya waqtiga la galay ee xili Roobaadka iyo xaalada adag ee heeysata dadka ku bara kacay inta u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye ay wadaan qorshe ay sare ugu qaadayaan howlaha gar gaarka ee ay u sameeyaan dadka Qaxootiga ah ee dhibaateeysan.
Hay’ada MSF ayaa waxaa ay inta u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye ka wadaa howlo dhinacyo kala duwan leh oo loogu taakuleeynayo dadka ku bara kaacay halkasi waxaana ka mid ah howlo caafimaad oo loo sameeyo Caruurta iyo Haweenka oo ay u sameeyeen Isbitaalo si gaar ah loogu daweeyo Caruurta iyo Haweenka, iyagoo sidoo kale gacanta ku haya Isbitaalka guud ee Degmada Afgooye oo adeeg caafimaad loogu sameeyo dadka ku nool Degmada Afgooye iyo kuwa ku barakacay halkasi.
|