Home arrow Kaalmo arrow Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Canbareeyey Afduubka Shaqaalaha Hay,adaha Samafalka
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:422
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 23 2008
Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo Canbareeyey Afduubka Shaqaalaha Hay,adaha Samafalka
Written by Ali Moallim   
Monday, 23 June 2008

Muqdisho, (insidesomalia.org)- Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqaay kooxaha afduubka u geeysta shaqaalaha Hay’adaha Samafalka in ay joojiyaan, isla markaana waxaa ay ugu baaqeen in ay sii daayaan kuwa ay haatan heystaan.

Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo xalay u waramayay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in aysan munaasib aheeyn in la qafaasho shaqaale u shaqenaya Hay’ada gargaar hadii ay Ajaanib yihiin iyo hadii ay Soomaali yihiin intaba.

Axmed Diiriye ayaa tilmaamay in ay keeneeyso arintaasi in ay sii balaarato dhibaatada heysta dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah hadii la sii wado qafaalashada shaqaalaha Hay'adaha Samafalka ku hawlan.

Shalay ayeey aheeyd markii Gudoomiyaha Isbeheeysiga dib u xoreeynta Soomaaliya Shekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugaan Dalka Kenya uu si weyn u dhaleeceeyay Afduubka loo geysanayo shaqalaha Hay’adaha Samafalka ee ka shaqenaya u gargaarida dalka hadii ay yihiin Ajaaniib iyo Soomaali intaba.

Habeen hore ayeey aheeyd markii kooxo dableey ah ay afduubteen Madaxa Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR xafiiskeeda Muqdisho Xasan Max’ed Cali xili uu ku sugnaa guri uu ka degenaa deegaanka Ceelasha Biyaha.

Ku dhawaad toboneeyo u shaqenayay Hay’ado Samafal oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa lagu afduubtay gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan laga war heyn halka ay ku danbeeyeen.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >