Home arrow Kaalmo arrow Dr Keynaan oo Muqdisho Kadhoofey
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:106
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:106
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:44
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:50
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:46
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 29 2008
Dr Keynaan oo Muqdisho Kadhoofey
Written by Ali Moallim   
Friday, 29 August 2008

Dr KeynaanMuqdisho,(insidesomalia.org)- Madaxa Xafiiska Hey'adda   UNHCR xafiiskeeda Magaalada Muqdisho  Xasan Maxamed Cali Keynaan, oo dib xuriyadiisii u helay hal maalin ka hor kadib mudo ka badan labo bilood oo uu afduubnaa ayaa ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Aadan cade ee magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalkan oo ay galbinayeen Mas'uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa waxaa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho lagaga kaxeeyay Gawaarida aan Xabada karin, waxaana uu u dhoofay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, Odayaal iyo Culumaa'udiin ayaa gacan weyn ka geystay sii deynta Mas'uulkan u sareeya Xafiiska UNHCRh ee Muqdisho ayaa kolkii loo galbinayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa Xafiiska UN-ka uu ka raacay Gawaarida aan xabadaha karin sida ay inoo sheegeen Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey .

 

Xafiiska Hey'adda UNHCR ee Magaalada Nairobi ayaa laga soo dhoweeyay sii deynta Dr Keynaan waxaana ay ku tilmaanta talaabo nabadeed oo horey loo qaaday sii daynta Sarkaalkaas Xasan Maxamed Cali Keynaan kadib ku dhawaad 3 bilood oo afduub loogu haystay gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dr Xasan Maxamed Cali (Keynaan) ayaa 21-kii juun ee sanadkan waxaa rag hubeysan oo aan heybtoda la garaneyn gurigiisa oo ku yaal Ceelasha biyaha ka kaxaeysteen xili habeen ah wuxuuna sheegay in ay dhaawaceen ragaasi kadibna isla afduubayashii ay ka dawaayeen dhaawac laba rasaas ah oo kaga dhacday jilibka iyo luqunta hada uu caafimaadkiisu wacan yahay.

 

Sii deynta Sarkaalkan ayaan wax madax furasho ah loo adeegsan, waxaana bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobey lagu sheegay inaysan Hey'addu joojin doonin howlaheeda bani'aadanimo ee ay ka wado Soomaaliya.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >