Home arrow Kaalmo arrow Dowladda Ugandha oo Gaadiid Ugudeeqdey Booalka Soomaaliya
Pirates Threaten Food-Aid to Somalia: 2008.07.19
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:63
Date:23-07-2008
Bye Bye  - Maria Carey
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:103
Date:22-07-2008
bob marley - no woman no cry
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:39
Date:22-07-2008
Somali supermodels
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:270
Date:20-07-2008
Rihanna - Hate That I Love You
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:822
Date:20-07-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 16 2008
Dowladda Ugandha oo Gaadiid Ugudeeqdey Booalka Soomaaliya
Written by Ali Moallim   
Sunday, 16 March 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa Maanta waxa Baabuur Abbalaasyo ah oo ay Dowladooda Ugaandha Ugu deeqdey Booliska Soomaliya ku wareejiyeen Dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Boliska waxaana furaha Baabuurtaasi ka gudoomay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Nuur xasan Xuseen (Nur Cadde).

Munaasabad lagu wareejinayey Gaadiiskaasi ayaa Maanta ka dhacday xarunta taliska Boliska ee Commando Bolisiyo ee Magaalada Muqdisho,waxaana xaflada kasoo qeyb galey madaxda dowlada iyo Mas,uuliyiin kasocdey Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Gaadiidka lawareekiyey ayaa waxaa u ahaa baabuurta Ambalsyada oo ay ku howlgalaan Ciidamada Booslika ,kuwaasi oo tiradoodu ay gaarfeysey 8 baabuur oo ah nooca Toyota-da looyaqaano.

waxaana Gaadiidkaasi kuwareejiyay Dawladda Taliyaha Ciidamada AMISOM Frensis Okello oo furiyaashii baabuurtaasi gacanta kasarey Ra,isul wasaare Nur Cadde.

Mr Okello ayaa ugu baaqay Ciidamada Boliiska Soomaaliya in ay ka shaqeeyeen nabada iyo xasiloonida wadankooda, inkastoo uu qiray in ay jiraan shaqsiyaad wax halaynaya oo ka tisan Ciidamada, waxana uu shacabka Soomaaliyeed usoojeediyay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Boliiska.

Ra’iisul wasaarw Nuur Cadde ayaa soo dhaweeyay talaabadani ay ku dhaqaaqeen Ciidamada AMISOM iyo Dawlada Uganda waxaana uu ku amanay Dawlada Uganda doowrka ay ka ciyaarayso arimaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa maanta madashii uu ku wareejinayay Gaadiidka ka sheegay in Ciidamada Midawga Africa ee jooga Soomaaliya aysan jirin cid ay ladagaalamayaan dhinacyada isku haya Soomaaliya, hase ahaatee ay hawshoodu tahay in ay nabada ka shaqeeyeen waxaana uu intaa raaciyay in intii Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay joogeen Soomaaliya aysan wax dhibaato ah u gaysanin shacabka Soomaaliya ayna ogyihiin shacabku wixii Ciidamadu ay ugaleen ama ay tareen shacabka reer Muqdisho.

Mr Okello ayaa soo dhaweeyay hadalkii dhawaan ka sooyeeray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee ku aadanaa dhinaca dib u hishiisiinta, taasi oo Ra,isul Wasaaraha ka dhawaajiyay mudo asbuuc ka hor ah.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >