|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Deeq lacageed oo maanta la gudoonsiiyay dadkii ay roobabka ku wax yeeleeyeen duleedka Magaalada Muqdisho.
Deeqdaani oo gaaraysa afar kun iyo Saagaal boqol oo Doolarka Maraykanka ayna soo dhiibeen jaaliyado Saamaaliyeed ee ku nool wadanka Dibadiisa ayaa waxaa lagaarsiiyay qaar ka mida dadka ka barakacay dagaalada iyo dhibaatada ka jira Magaalada Muqdisho, isalamarkaana ku sugan gudaha iyo deefaha Muqdisho, kuwaasi haatan qaarkood hoos jiifa Geedo hoostood.
Waxaa deeqdaani lacageed meelaha la gaarsiiyay ka mida kaamam ku yaala deegaanka Lafoole iyo sidoo kale kaam kuyaala Deegaanka Tiida ee Degmada Dayniile, halkaasi oo ay ku jiraan dad dhibaatooyin fara badan ay haystaan ku waasi oo qaar aan haysan wax ay gabaad ugu dhigtaan roobabka haatan da'ay waxaana Maanta xiliga deeqda loo qeybinayay dadkasi ku kor da'ayay Roobabkii xoogan
Haweeneey ka mida ah dadkii maant deeqda la gaarsiiyay ayaa ka mahad celisay deeqda manta lasoo gaar siiyay waxaana ay u mahad elisay dadkii soo dhiibay deeqdaasi lacageed.
Deeqda ayaa waxaa soo dhiibay Jaaliyado Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Britain gaar haan Magaalada Bristol ,waxaana Muwaadiniimta soo dhiibay lacagahasi lagu kala Magaacaabaa sheekh Cabdulaahi Xasan Wadaad,Jacfar Cawaale Duqow,Yaasiin Jeele iyo Saalax Yuusuf Nuux iyo dad kale oo ku nool Magaalada Bristol ee wadanka Britain ,waxaana Loo soo wakiishay C/Raxman Macalin Beeray,Xasan Cali Boor iyo Axmed Max'ud Waasuge.
In kastoo dadka ka barakacay Dagaalada Ka jira Muqdisho aysn ahayn markii ugu horaysay ee deeq noocani oo kale ah lagaar siiyo ayaa hadana waxaa muuqda in aysan ku filanayn lacagaha yar yar oo ay u soo dirayaan walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka dibadiisa ee ay iska soo uruuriyeen.
|