|
Baladweyne,(insidesomalia.org) - Dad fara badan oo horay uga qaxay degmada Baladweyne ayaa waxay bilaabeen in ay dib ugu laabtaan Magaalada,iyagoo kasoo laabanaya tuulooyin ay horay ugu qaxeen oo ay Madafiic lagu garaacay iyo meelo ay nolosheeda ka dayriyeen.
Iyadoo dadkaas ay ku laabanayaan Baladweyne ayaa waxaa hadda ka baxaya Degmadaasi dad kale oo fara badan, kuwaasoo cabsi weyn ay ku hayso dagaalo ka qarxa gudaha Magaalada Beledweyne.
Xoogaga Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay la sheegay in ay gudaha u galeen xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, kuwaasoo wacad ku maray in ay la dagaalami doonaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan buurta Janta kundishe.
Qaar ka mid ah dadka dib ugu laabanaya Degmada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegeen in goobihii ay u qaxeen ay Madaafiic dhowr ah ku soo dhaceen, kuwaasoo aan geysan wax khasaare ah ayna rumeysan yihiin in ay ka yimaadeen saldhigga Ciidamada Itoobiya ee duleedka Baladweyne.
Dhanka kale, weli waxaa socda dadaalladii ay ku doonayeen Odayaasha Gobolka Hiiraan inay ku baajiyaan colaado ku dhexmara dhincyada is haya gudaha degmada Baladweyne.
Dadaaladaan odayaasha ayaa u muuqda kuwo gaabis noqday, markii ciidamo fara badan oo Itoobiya ah ay soo gaareen Baladweyne iyo iyadoo ay galeen gudaha degmadaas xoogag ka amarqaata Ururka Al-shabaab.
|