|
Shabeelha Dexe,(insidesomalia.org)- Abaaro Ba’an ayaa waxaa laga soo sheegayaa Degmooyin Farabadan oo kamid ah Gobolka Shabeelha dhexe.
Abaarahan Degmooyinka ay Sida Ba’an ay ku halakeeyen ayaa waxaa kamid ah Cadale, warsheeq,iyo Raagaceele oo guud ahaan Kawada mid ah Degmooyinka Gobolka shabeelha Dexe.
8 Ruux ayaa waxa lagu soo waramayaa in ay Macluul iyo haraad ugu dhinteen Degmada Cadale sida uu Saxaafada xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Cadale Muuse Max’ed.
Gudoomiyuhu mar uu u waramayay Saxaafada ayaa waxa u tibaaxay in dadkaani geeriyooday ay 4 kamid ahi yihiin Caruur inta kalena ay yihiin dad waweyn oo isugu jira rag iyo haween.
Waxuuna sigaar ah farta ugu fiiqay dadkani in ay qeybka ahaayeen dadkii kasoo barakacay dagaaladii kadhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hada degan qayb kamid ah Xaafado ku yaalada Degmada Cadale .
Degmooyinka kale ayaa waxa laga soo sheegayaa in ay abaaro kajiraan waxayna abaataasi saameyn weyn ku yeelatey Xoolo dhaqatda halkaasi kunool.
abaarahan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ugu wacantahay Mudooyinkii ugudambeeyay oo aan wax roob ah uusan kadi,in qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe .
Ilaa iyo shan Degmo oo kamid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa lagadhaqdaa Xoolaha oo u badan Ariga, kaas oo hada lagu soowaramyo in uu si xoog leh udhamaanayo.
Baaqyo kaladuman ayaa waxaa ay kasoo Baxayaan Dadweynaha iyo Masuuliyiinta Gobolk Shabeelha Dhexe, iyadoo ay Baaq u Jeedinayaan dhamaan Hay,adaha Samafalka ee kahowlgala Deegaanada Koonfurta Soomaaliya iyo Guud ahaan Soomaaliya in ay si deg deg ah kaalmo ula soogaaran.
|