Home arrow Kaalmo arrow Ciidamo Itoobiyaan ah oo la weeraray iyagoo Raashin ka Qeybinayay Xaafado ka Tirsan Degmada Huriwa
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:422
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 06 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la weeraray iyagoo Raashin ka Qeybinayay Xaafado ka Tirsan Degmada Huriwa
Written by Ali Moallim   
Friday, 06 June 2008

Muqdishu,(insidesomalia.org)- Ciidamada Itoobiyaanka ah ee fariisinka ku leh Xarumaha Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise ayaa saaka waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa marka la weerarayay waxay ku howlanaayeen qeybinta Raashin Mucaawino ah, kaasi oo ay siinayeen dad ka kala yimid Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir qaarkood.

Weerarkaas lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay.

Dagaalkan saaka ka dhacay nawaaxiga Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyle Bariise ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe uu dagaal xooggan ka dhacay inta u dhaxeysay Xarunta Warshaddii Baastada iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, dagaalkaasi oo Mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ay sheegteen in ay ka dambeeyeen.

Waxay ahayd markii seddexaad oo ay Ciidamada Itoobiya Raashin Mucaawino ah u qeybiyaan Dad ku nool Magaalada Muqdisho, waxayna horay Raashin uga qeybiyeen Xaafadaha u dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >