|
Baladweyne, (insidesomalia.org)-Caruur iyo dad waaweeyn ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday deegaano hoos taga gobolka Hiiraan ee Dalka Soomaaliya.
Tirada Caruurta iyo dadka da’da ah ee u geeriyoonaya cudurka shuban biyoodka iyo macluusha kana mid ah dadka ku jira xerooyinka dadka soo barakacay ee ku yaala gudah Magaalada Baladweyne ayaa maalinba maalinta ka danbeeya ayaa waxaa ay yihiin kuwo sii kordhayaan waxaana inta la ogyahay u geeriyooday 3 caruur ah iyo qof da’ah oo ku jira ilaa 3 xero oo ku yaala gudaha Magaalada Baladweyne, kadib markii ay la soo deristay dhibaato ka dhalatay macluul iyo daryeel la’aan heystada dadkasi.
Arimahani ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili maalinba maalinta ka danbeyasa ay ku badanayaan Magaalada Baladweyne dadka ka cararay dagaalada aan dhamaadka laheeyn ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Inta badan caruurta ku nool xerooyinkaasi ayaa waxaa ay la ildaran yihiin dhibaatooyin ka dhashay macluusha oo sababtay in qaarkood ay u waayaan aragoodii oo ay u indha beelaan,sidoo kale haweenka iyo dadka da’da ah ee ku jira xerooyinkaasi ayaa waxaa ay la liitaan cuduro isbiirsaday oo ay ka mid yihiin maleeriyo Jadeeco iyo cudurada Maqarka.
Qooysaskani ayaa waxaa ay isugu jiraan qooysas ka soo bara kacay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho,gobolada Bay iyo Bakool,dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo abaaro baahsan ay ku dhufteen.
Tan iyo markii ay qooyaskani gaareen magaalada Baladweyne ayaaneey helin wax gargaar ah mana jiraan cid isku taagtay wax u qabashada xaaldooda nololeed,marka laga reebo waxoogaa raashiin ah oo ay gaarsiiyeen hay’adaha samafalka qaarkood kuwaasi oo aan kaafin kari xitaa nooliga maalintii.
Xaalada nololeed ee dadkani ayaa waxaa ay tahay mid gaartay dabaqada ugu hooseeysa ee nolosha bini’aadmka.
|