|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ayaa ka cabanaya dhibaatooyin xaga nolosha ah oo ku yimid, kadib markii ay ka soo carareen hoygii ay deganaayeen oo ku yaala xaruntii SOS ee Magaalada Muqdisho.
Hooyooyinka xanaaneyn jiray Carruurta agoonta iyo kuwa la dacay ee ku noolaa xarunta Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ayaa sheegay in ay soo waajahday xaalado adag oo ah xaga noolasha.
Hooyooyinkaan oo hada ku nool Isbitaalka martiini oo ay u soo qaxeen waxayna sheegeen in uusan laheyn Isbitaalkan hada ay joogaan Tasiilaadkii ay ka heli jireen Isbitaalka SOS, Hooyooyinkan ayaa sheegey in ay caruurtani dhibaateysanyihiin, kadib markii ay waayeen waxbarashadii aas aasiga ahaa iyo dhinacyadii nolosha.
Waxaa ay tilmaameen in biya la'aan xoogan ay xiligaan haysato, waxaa ay sheegeen in ay la yihiin caruur ka kala firxaday dagaaladu intii ay soconayeen.
Axmed Maxamed oo ka mid ah Maamulka Isbitaalka SOS ayaa sheegay in hada ay kujiraan baadi goobka carruurtii ka kala yaacday iyo waliba sidii ay u heli lahaayeen goob ay Caruurtaasi ku xanaaneeyaan. Hay'adda SOS ayaa qaban jirtay howlo kala duwan sida daaweynta hooyada iyo dhalaanka iyo waliba carruurta agoonta, kuwa la dayacey in la daryeelo.
Isbitaalka SOS ayaa si weyn wax uga qbatey Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed 17dii sano ee ugu dambeysay, balse dagaaladii sanadkan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa gabi ahaanba waxaa ay xireen howlihii Isbitaalkaasi SOS ee Magaalada Muqdisho.
|