|
Baladweyne, (insidesomalia.org)-Boqolaal qooys oo u badnaa xoolo dhaqato iyo Beeraleey, isla markaana ku noolaa tuulooyinka Buq Goosaar,War dhabeel iyo Matoor ee Koonfur galbeed ee Magaalada Baladweyne ayaa isaga barakacay Deegaankooda, kadib markii ay soo food saareen biyo la aan baahsan oo saameeyn ku yeelatay nolsha qooysaskaasi.
Tuulooyinkani oo lahaa Ceel Biyood tiro yar ayaa haatan guray oo biyihii ay ka dhamadeen waxaana dadka iyo duunyadii halkaasi ku noolaa ay bilaabeen in ay isaga barakacaan, kuwaasi oo qaarkood soo galay degaani kudhow Magaalada Beledweyne.
Biyo la aanta la soo deristay dadkani ku nool tuulooyinka Buq Goosaar,War dhabeel iyo Matoor ee Magaalada Baladweyne ayaa loo aaneeyay in ceelashii ku yaalay deeganadasi ay gureen halka qaakoodna ay ka ciladoobeen qalabkii lagu soo saarayay biyaha xili sanadahani aysan wax roob ah ka di,in tuulooyinkasi iyo kuwa ka agdhow.
Dhul daaqisineedkii deegaanadaasi ayaa u dhow in ay nabaad guur isu bedelaan, halka xoolo tiro badanina ay u le,deen abaaro soo soo food saaray dartood,taasoo ay u wehliso biyo iyo daaqsin la aan.
Dadka Fara ku tiriska ee ku haray deeganadasi ayaa sheegay in tuulooyinkaasi ay ku soo badanayaan dad ka kala yimid deegaano kale oo xaalufin ku haya dhirta si ay dhuxulo uga shitaan hadii aan wax laga qabana ay sheegeen in halkaasi ay ka dhalan karaan nabaad guur ku yimaada dhul daaqsineedka deegaanadaasi.
Sanadahani ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ka jiray abaaro,biyo la aan iyo cuduro ay dad badani u geeriyoodeen, taasi oo haatan u muuqata in aan laga bixin oo halkeeda taagantahay.
|