|
Afgooye,(insidesomalia.org)- Qaar ka mid ah Dadka u baracay inta u dhaxeyso xaawo Cabdi iyo ceelasha biyaha oo nasiib u yeeshay bishaan in ay helaan dhalinyaro afur u sameyso maalin kasta iyada oo qaarkoodna la siiyey 260 bacaha robka laga galo ah
Ururka isu taga ardayda Uk iyo shirkada markabley ee fadhigeedu yahay UK oo iska kashaday afurinta bisha ramadaan iyo baco qoysas gaaraya 250, kuwaas oo ka barakacay guryahoodii.
Booraraka ayaa waxaa ku qornaa ereyo muujinayo cidda ay ka timid hanitida barakacayaasha lagu afurinayo, iyada oo ay harer saocotay qeybinta bacaha robka laga galo
Wakiilka deeqdaan loo soo wakiishay Cabdirisaaq Axmed Ibraahinayaa sheegay in ay bilaabeen howlshaan baaxada leh maalintii afraad ee bilashada ramadaanka wixii ka danbeeyane ay si toos ah u socotay afurinta dad barakacayaal gaaraya 250 ayna kula afuri karan into kale, waxaana dhincasocday qeybinta bacaha roobka laga galo, taas oo in badan oo ka mid ahaa ay sheegeen in ay u qabeen baahi weyn, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin walaalahooda ka damqaday oo u soo gurmaday gedaha hoostoodana ugu keenay afur iyo baco roobka looga gaashanto, waxayna sheegeen in ay weligood ilaabi doonin intii ka qeyb qaadatay howshaan samafalka ah.
Kalmadaan afurinta iyo bacaha isu jirta ah ayaa waxaa loo qondeeyey aduun lacageed garaya $7000 halka maalin kasta loo bixiyo afur ahaan $110 waxaana loo joogteeyey 250 qoys oo aan wax afur ah heysan oo ku nool kaamamka kala ah hayin iyo dhib ma arke oo ku yaal inta u dhaxayso xaawo cabdi iyo ceelasha biyaha ee calmada
Dadkaan darakacayasha ah ayaa ka muuqday sida ay ugu faraxsan yihiin afurka iyo bacaha loo qeybinayey waxayna ahaayeen kuwo mudan in wax la taro

Dadka nool halkaas ayaan helin deeqihii laga qeybinayey hareerahooda mudo sided bilood ah waana arintaa wax uu u dortay wakiilka deeqda Cabdirisaaq Axmed Ibraahin
Xeryha dadka soo barakacay ay ku jiraan ayaa waxaa ka jirta dhibaartooyin fara badan sida cuni yaraan, hoy la.aan , macaauun la.aan caafimaad la.aan , wxbarsho la.aan iyo kuwo kale oo farabadan mana jiraan cid hada u muuqata in ay buuxineyso waxyaabaha ka maqan oo dhan ,
Waa markii ugu horeysay ee cunto Karin nocaan ah loo sameeyo barakcayaasha guryahodii uga baxay gantaalaha ,qaraxyada ,iyo burburinta ay geysteen ciidamada dowlada fadaraalka iyo kuwa Ethiopia oo iskashanaya
dhanka kale heyaddaha samafalka ayaa intooda badan lagu eedeeyaa in ay ka gaabiyeen howlihii ay uga baahnaayeen dadka barakacayaasha ah
|