Home arrow Kaalmo arrow 150 Guri oo ku Bas Beelay Dab Maanta Qabsday
Somali fighters capture Kismayo 27 Aug 08
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:02-09-2008
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:688
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:117
Date:15-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 08 2008
150 Guri oo ku Bas Beelay Dab Maanta Qabsday
Written by Ali Moallim   
Friday, 08 August 2008

Guryo GubteyCadaado,(insidesomalia.org)- In ka badan 150 Guri oo ka samaysnaa Cooshado Iyo Baakado ayaa Maanta ku bas beelay mid ka mid ah Xeryaha ay daganyihiin dadka soo Barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Bosaso.

 

Xeradaan Gubatay ayaa lagu Magacaabaa Buulo Mingis, waxaana Gudaheeda daganaa dad siyaabo kala duwan uga yimid Koonfurta Somalia, si ay u helaan Nolol ka wanaagsan  toodi hore.

 

Dabkaan qabsday xeradaasi ayaa Galaaftay hanti aad u fara badan oo ay lahaayeen dadkaasi ,waxaana inta badan la waayay hantidii ay lahaayeen dadkaasi.

 

Lama Garanayo ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka danbaysay dabkani maanta qabsday xerada Buulo Mingis , waxaana dabkani uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhasha mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Boosaaso.

 

Dab damiska Dawladda Hoose ee Magaalada Bosaaso ayaa Markii dambe xeradaasi gaaray si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabkaasi.

 

Qaar ka mid ah dadkaasi oo aan  maanta booqday ayaa u jeediyay Maamulka iyo Ganacsatada in sida ugu dhakhsiyaha badan gar gaar loola soo gaaro bacdamaa ay guryo beeleen.

 

Inta badan dabka ka dhasha Xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay waxaa kalifa dabaylaha xagaaga ah oo si xoogan uga dhacaya Gudaha Magaalada Boosaaso.

 

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale uu dab u qabsaday mid ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka soo barakacay , iyadoo dabkaasina uu sababay in uu geeriyoodo ilmo yar oo 5 sano jir ah.

 

Dadka qaar ee dagan Xerada Buulo Mingis ayaa ku waydiinaya marka aad booqato meel ay ku hoydaan iyo waliba wax ay cunaan, iyadoo aysan jirin wax gaar gaar ah oo ilaa iyo hadda dadkaasi loo fidiyay.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >