|
Eyl,(insidesomlaia.org)-Wararka laga helayo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Maraakiib Khamiistii lagu afduubtay xeebaha gacanka cadmeed.
Sidoo kale markab laga leeyahay Dalka Germany ayaa asna waxaa uu gaarey sida warka lagu helayo xeebaha garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug, iyadoo kooxaha afduubayaasha ah aysan weli dalban wax madaxfurasho lacageed ah.
Guddoomiyaha Degmada Eyl Cabdullaahi Saciid Aw-Yuusuf ayaa Saxafiyiinta u sheegay in maraakiibtu ay soo gaareen xeebaha Eyl, qaarkoodna ay u gudbeen dhanka deegaanka Garacad.
Afduubayaal Soomaali ah ayaa ka afduubtay Arbacadii iyo Khamiistii gacanka cadmeed afar markab oo laga leeyahay Dalalka Iran, Japan, Germany iyo Malaysia, waxayna ku haystaan xeebaha Soomaaliya.
Markab dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka ayaa soo galay Biyaha Soomaaliya, si uu gacan u geystay in gacanta afduubayaasha laga saaro maraakiibtan oo qaarkood wada xamuul kala duwan oo isugu jira Kiimiko iyo Saliid.
Shirkadaha Maraakiibtaan iska leh oo la sheegay in ay yihiin kuwo hanti badan haysta ayaa rajo weyn gelisay afduubayaasha Soomaalida ah oo aamisan inay lacago aad u fara badan ku helayaan Maraakiibta ay haystaan iyo shaqaalaha.
|