|
Muqdishu,(insidesomalia.org)- Xaaladda Magaalada Muqdiso ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxay tahay mid degan, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqyada Dadka, Ganacsiga iyo Gaadiidka, kuwaasi oo shalay istaagay kadib markii uu dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha, gaar ahaan qeybaha hoosyimaada Degmada Wardhiigley.
Wadada Wadnaha oo shalay ku xirantay dagaalkii ka dhacay Xaafadaha Xararyaale iyo Geed Jaceyl ayaa saaka waxay tahay mid furan oo ay dadka iyo gaadiidkaba isticmaalayaan, iyagoo aan wax baqdin ah qabin.
Sidoo kalena waxaa saaka dib u soo laabtay dhaqdhaqaaqii Ganacsiga ee Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo shalay istaagay kadib markii Suuqa ay duqeyn u geysteen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa lagu arkayaa dad badan oo isugu jira kuwa Suuqa u yimid in ay ganacsigooda dib u bilaabaan iyo kuwo dayactir ku sameynaya goobahoodii Ganacsiga oo shalay ay burburiyeen Madaafiicdii Suuqa Lagu qaraacay.
Sidoo kalena waxaa si caadi ah u shaqeynaya Taleefoonnada gacanta ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasi oo iyadana uu shalay waxyeello u geystay Madafac ku dhacay qeybta firdhisada ee Shirkadda.
Ugu dambeyntiina, Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay tahay mid degan oo aaney wax dhibaato ah ka jirin, iyadoo dadkuna ay si caadi ah u wataan howl maalmeedkooda.
|