|
Suuqaqa Sarifka lacagaha qalaad ee Soomaliya oo Laxirey |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 16 April 2008 |
|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Waxaa Maanta gebi ahaanba Albaabada la,isugu dhuftey suuqaqa Waaweyn ee lagu Sarifo Lacagaha Qalaad oo ku kala yaala magaalooyin dhoor ah oo ay ugu horeyso magaaalda caasimada h ee Muqdisho.
Ganacsatada sarifleyda ayaa sheegey in ay tahay sababaha ay uxireen suuqqa ayaa waxay ku sheegeen ion ay taahay hoos udhaca ku yimid shilinka soomaaliga oo gaarey heerkii ugu sareeyey ,wuxuuna hada markayaa sicir bararka ka jira dalka soomaaliya oo gaarey heerkii ugu sareeyey,waxaan uu hada marayaa 100$ 3500.000 oo ah Shilinka soomaaliga.
Sidoo kale cuntada quutul daruriga ah ayaa iyado lafteeda waxaa ay noqotey mid aan la iibsankarin oo ay dadkii danyerta ahaa ay sheegayaan in aysan iibsan Karin wax cuno ah sababtoo ahbey yiraahdeen qiimihii Cuntada ayaa waxaa u gaarey qiimo sare.
Xirnaasha suuqaqa Sarifka ayaa waxa aad u soo dhoweeyay Dadweynaha rayidka ah ee taagta daran, islamarkaana.
Arintan ayaa hadii ay sii socoto waxaa ay saameen balaaran kuyeelaneysaa dadka danyerta ah iyo kuwa dagaaalda kubarakacay oo daadsan meel kasto oo Somaliya gudeheeda kamid ah iyo waliba Xaduudaha ay Soomaaliya laleedahay Dalaka deriska ah.
|