|
Written by Ali Moallim
|
|
Tuesday, 11 December 2007 |
|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Axada, 9ka December, waxaa uu iska hor imaad ku dhaxmarey Suuqa weyn ee Bakaaraha Ciidamada Boliska Dowlada KMG Soomaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka horjeeda Siyaada Dowlada.
Dagaalkan cusub ayaa Axada ka dhacay Wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Wada koowaad iyo labaad oo ay deganyihiin Shirkadaha Xawaaladaha iyo Isgaarsiinta.
Dagaalyahnada ka horjeea Dowlada ayaa adeegsanayey Bambooyibka Gacanta laga tuuro, kuwaasi oo si xoogan looga maqlayey aragaarada Suuqa Bakaaraha .
Waxaa istaagey isu socodka Gaadiidka iyo Daweynaha ee Suuqa Bakaaraha iyo Ganacsigii kasocdey Suuqaasi.
Waraka ayaa waxay sheegayaa in ay dhaawayo soo gaareen 3 Qofood oo Rayid ah oo kadhawaa agagaarka Suuga Bakaaraha oo ay Rasaasta iyo Qaraxyada si xoogan uga dhacaysey.
Dagaalkan ayaa waxuu yimid kadib markii gelinkii dambe ee shalay uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha Weerar fool ka fool ah oo ay isaga horyimaadeen Ciidamada Dowladda iyo kooxaha kacdoonka kawada Magaalada Muqdisho , halkaasi oo dhibaato ay kasoo gaartay Dadkii kusugnaa Suuqa Bakaaraha oo qaarkood ku xayirmay Suuqa.
|