Home arrow Ganacsiga arrow Sicir Bararkii ugu Ba’naa oo Kataagan Muqdisho
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 17 2008
Sicir Bararkii ugu Ba’naa oo Kataagan Muqdisho
Written by Ali Moallim   
Monday, 17 March 2008

Muqdishu,(insidesomalia.org)- Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol Maalmeedka la dagaalama.

Sicir bararka ku yimid Raashinka quutul-daruuriga ah iyo Shidaalka ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Muqdisho, waxaana lagu hadal hayaa meelaha ay dadka isugu yimaadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in sicir bararkan uu ku soo beegmayo, iyadoo aysan dadka Muqdisho intooda badan shaqeynin, isla markaana kuwo yar oo shaqeyn jiray ay Goobahooda Ganacsiga ay u tegi la’ yihiin nabadgelyo darro ka jirta aawadeed.

Haddaba aanu eegno halka uu marayo qiimaha Raashinka, Shidaalka iyo weliba Sarifka Lacagta Doollarka oo ay inta badan Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku jaangooyaan Ganacsigooda.

Raashinka Jumlo

Qiimaha uu joogo

Raashinka Tafaariiq

Qiimaha uu joogo

Loor Sokor ah

28$

Kiilo Sokor ah

13000Sh.so

Loor Bur ah

35$

Kiilo Bur ah

19000Sh.so

Loor Bariis ah

29$

Kiilo Bariis ah

19000Sh.so

Kartoon Baasto ah

13$

Kiilo Baasto ah

32000Sh.so

Saliid Cad 20 Ltr

31$

Madaal Digir ah

15000Sh.So

Gasac Caano ah

19$

Madaal Galley ah

440,000

Shidaal Fuustadii

Qiimaha uu joogo

Shidaal Liitarkii

Qiimaha uu joogo

Basiin

148$

Liitarkii Basiin ah

21000 Sh. So

Nafto

270$

Liitarkii Nafto ah

33000 Sh. So

Sarifka Doollarka

Heerka bixinta

Heerka Qabashada

Boqolkii Doollar

2,410,000 Sh. So

2,400,000 Sh. So

Weli ma dhcin taariikhda sicir bararka Suuqyada Muqdisho in uu heerkan oo kale gaaro, weliba xili ay dadka ku dhaqan Muqdisho la soo dersadeen xaalado shaqo iyo nabadgelyo la’aan ah.

Marka laga soo tago Qiimo kororka ku yimid Raashinka quutul daruuriga ah ayaa waxaa si weyn loo dareemayaa sare u kaca qiimaha Shidaalka, waxaana laga dareemayaa Waddooyinka Muqdisho oo ay ka yaraadeen Gaadiidkii isticmaali jiray, gaar ahaan kuwa dadweynaha oo haddiiba la helo haatan Magaalada Gudaheeda loogu raaco qiimo dhan 5000 Sh. So.

Aqoonyahanno ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa waxay sheegeen in sicir bararka jira ay Mas’uul ka yihiin Ganacsatada Soomaaliyeed oo aaney jirin cid kula xisaabtanta qaabka ay u Ganacsadaan, waxayna qaarkood sheegeen in ay jiraan Ganacsato Raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka u baahan yihiin keydiya xiliyada ay dadka u baahan yihiin, isla markaana kaga faa’iideysta waqtiyadan oo kale oo ay dadku qabaan baahida ugu badan.

Dr. Cumar Colaad oo ka mid ah Aqoonyahannada ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay in nolosha dadka Muqdisho ay khatar ku jirto, asagooo ku sababeeyay in iyadoo sicir barar jiro ay Dadka Muqdisho ay hada galayaan xiligii Bad xiranka oo bilaabanaya bartamaha Bisha May ee soo socota, xiligaasi oo ay yaraan doonaan Gaadiidka Badda ee Badeecooyinka Ganacsi ka keena Seyladaha ay ku xiran yihiin Ganacsatada Soomaalida.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, sicir bararka ka taagan Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Xili dad badan oo ku noolaa hooska Guryahooda xitaa haddii aysan helin wax ay cunaan ay haatan daadsan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

waxana xusid mudan in dadka kunool geedaha hostooda ay u badan yihiin Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah oo la ogyahay in ay yihiin kuwa Bulshada ugu nugul oo aan duruufaha adag u adkeysan karin.

 


Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >