Home arrow Ganacsiga arrow Shirkadha Telfoonada Magaalada Jowhar oo Lagu Amrey in ay Hawada Kabaxaan
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:801
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:333
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:742
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1202
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:437
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Nov 28 2008
Shirkadha Telfoonada Magaalada Jowhar oo Lagu Amrey in ay Hawada Kabaxaan
Written by Ali Moallim   
Friday, 28 November 2008
Jowhar,(insidesomalia.org)-  Faah faahin ayaa ka soo baxeysa Isgaarsiinta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe oo muddo saacado ah hawada ka maqneyd, kadib markii sida la sheegay amar lagu siiyay shirkadaha isgaarsiinta inay hawada ka saaraan.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha Isgaarsiinta hawada looga saaray mudada dhowrka saacadood ay tahay muran soo kala dhex galay Saraakiisha Maxkamadaha iyo Maamulayaasha Shirkadaha isgaarsiinta Magaalada.

Sida ay noo xaqiijiyeen mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaha isgaarsiinta ee ka howl gala Magaalada Jowhar, isla markaana codsaday inaan la magac dhabin ayaa sheegaya in muranka labada dhinac uu ku saabsanaa lacago lagu amray shirkadaha inay bixiyaan, taasoo ay ka dhaga adeegeen.

Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Saraakiisha Maxkamadaha ee ku aadan sababaha ay hawada uga saareen qalabkii Isgaarsiinta, sidoo kale ma jirto hadal iyana ka soo baxay Maamulayaasha Afarta shirkadooda ee Isgaarsiinta.

Shirkadaha Isgaarsiinta ka howl gala Magaalada oo lagu kala magacaabo Hormuud, Nationlink, Telecom Soomaaliya iyo Somafone ayaa ah kuwa qeyb weyn ka qaatay adeega Bulshada ee dhanka isgaarsiinta, iyadoona shirkadahan qaarkood ay 10-sano jirsadeen inta ay ka howl galaan.

Ma ahan markii u horeysay ee sidan oo kale hawada looga saaro Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl gala Magaalada Jowhar, waxaana xilligii uu jiray Maamulkii kali taliskii Maxamed Dheere Magaalada ay muddo dhowr maalmood hawada uga maqneyd lacago baad ah oo uu Maamulkiisii ku amray inay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta






Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >