Home arrow Ganacsiga arrow Shirkadda Telcom Puntland oo Xariga Laga Jaray
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:101
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:102
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:36
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:48
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:40
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 09 2008
Shirkadda Telcom Puntland oo Xariga Laga Jaray
Written by Ali Moallim   
Saturday, 09 August 2008

Cade MuuseBoosaaso,(insidesomalia.org)-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotelka Pamoroma ee Magaalada Boosaso ayaa xalay xariga looga jaray Shirkada Isgaarsiinta ee Telcom Puntland.

 

Munaasabada Xariga looga Jaray Shirkada Isgaarsiinta Telcom Puntland ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Dowlada Goboleedka Puntland oo hurmuud uu ka ahaa Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muse Xirsi Golahiisa Wasiirada,Golaha Baarlamanka Safiirka Soomaalita u fadhiya Kenya Mahamed Cali Americo iyo Masuuliyiin kale oo farabadan badan.

 

 

Munaasabada sidoo kale waxa Goob joog ahaa Boqolaal Dadweyne ah oo isugu jirey Ganacsato, Isimo, waxgarad iyo Ururada Bulashada ee Bossaso ka jira, kuwaasi oo lagu casumay Xaflada.

 

Gudoomiyaha Shirkada Telecom Puntland Saciid jeesaan ayaa sheegay in ay Shirkadu Muddo ku jirtay sidii ay u dhisi lahayd dhismayaashii iyo qalabkii ay ku howlgali lahayd, balse haatan si rasmi ah xariga looga jaray Shirkada Telecom Puntland.

 

 

Sidoo kale Maareeyaha Shirkada Isgaarsiinta Telecom Cabdi Rashid Wacayd ayaa u sheegay ka soo qayb galayaashii adeegyada ay shirkadu wado oo ay ku jiraan adeegyo aan hore loogu aqoon Shirkadaha Isgaarsiinta Puntland ka jira.

 

Shiikh Fu'aad Maxamud Xaaji Nuur oo ah Madaxa suuqgeynta iyo Xiriirka Dadweynaha ayaa Munaasabada ku soo bandhigay adeegyada Telecom Puntland.

 

 

Madaxa Suuqgeynta iyo Xiriirka Dadweynaha Telecom Puntland ayaa shaaciyay in adeega ay dadweynaha u hayaan ay ka mid yihiin Land line Phones,Mobil phones,Wire less Phones internet casri ah,kaasi oo kala ah dial up,ADSL iyo Wire less internet.

 

Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in ay soo kordhiyeen adeegyo kale oo dheerad ah gaar ahaan Mobilka sida:

 

 

1-Missing Call Notification oo ah in markaad damisid Mobilkaaga ama aad ka baxdid Coverage ka aad hadhow arki kartid cid walba oo ku soo wacday.

 

2-USSD loan services oo ah in hadii lacagtu kaa dhamaato aad qaadan kartid deyn intaad garaacatid Nomber.

 

3-Familiarity Number Features: waa adeeg muhiim ah oo qofku uu diiwaan gashanayo 9qof oo uu ka wici karo kharash dhin waana gudaha(local) oo keliya.

 

4- Hadii Mobilkaaga kaa lumo uma baahnid in aad Shirkadda soo wacdo o lagu xiro ee waxaad ka qaadaneysaa qofka kuugu dhow oo haysta mobile Telcom ah kadibna adiga ayaa xiranaya hadaad furaneyso waa sidoo kale.

 

5-Lacagta kugu jirta Mobilkaa waxay leedahay Password(number sir ah) oo cidna kama shuban karto.

 

Sidoo kale Fu'aad waxa uu sheegay in ay dhawaan shirkadu hirgalin doonto adeegyo kale oo casri ah.

 

Dhinaca kale Saciid Xaaji Farax oo ka mid ah Guddiga sare ee Shirkada yaa maamulka Puntland u sheegay in uu loo baahanyahay in uu maamulku taageero Hababka casriga ah ee isgaarsiintu ku dhaqaaqday isaga oo sheegay siciid In ay wali jiraan adeegyo dhiman o si dhakhso ah loo hirgalin doono.

 

Madaxweyne Cadde Musse ayaa ugu dameyn soo xiray Xafladii lagu maamusayay Furitaanka Shirkada Telecom Puntland Waxaana uu Madaxweynuhu uu sheegay in ay muddo ka tira badatay maqlida shirkadani horena loo dhihi jiray waa soo soctaa waa soo guuxaysaa, Balse caawa ayaa farxad ii ah inaan xariga ka jaro Telecom Puntland.

 

Sidoo kale Shirkadu waxa ay halkaasi ku soo bandhigtay Bakhtiyaa nasiib ay ugu talagashay ka soo qayb galayaashii Xafalada Kuwaasi oo lagu helayay Mobaylo iyo Sim Card ay lacag ka buuxdo, iyada oo madaxweyne Cadde Musse uu qaatay Waraaqdii ugu horeysay Bakhtiyaa nasiibka ee xalay la soo bandhigay.

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >