Home arrow Ganacsiga arrow Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo Adeeg Muhiim ah Soo Kordhisay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 20 2008
Shirkadda Isgaarsiinta Golis oo Adeeg Muhiim ah Soo Kordhisay
Written by Ali Moallim   
Friday, 20 June 2008

Bosaso,(insidesomalia.org)-Shirkan jaraa’id oo ay qabteen Masuuliyiinta ugu sareysa Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis ayeey ku faah faahiyeen adeegyo hor leh oo ay shirkadu ku soo kordhisay adeegyadii ay hore u qaban jirtay sida adeeg loogu magacdaray ku Mushaax ( Roaming Mobile System) oo ah adeeg Macmiilka u suurta galinaya in uu Simcardka shirkada Golis ku isticmaali karo meel kasta oo Somalia ka mid ah, hadana lagu sii bilaabay gobolada Somaliland sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Aadan Sheekhdoon Cali.

Mr. Aadan Sh Doon Waxa uu sheegay in adeega isgaarsiineed ee Golis dhawaan la gaarsiin doono Deegaano kale Oo hor leh oo ku yaala bariga Somalia sida Hurdiya, Xaafuun iyo Iskushuban , dhanka Nugaalna Sunijiif, Godobjiran, Kalabayr, Xasbahale, Awrculus iyo meelo kale , iyadoo dhinaca Soolna la furi doono dhowaan deegaano balaaran oo ay ugu horayso Caasimadda gobolkka Sool ee Laascaanood & Sarmaanyo .

Farax Xaaji Mire oo ah madaxa Xiriirka dadweynaha & Dawladda (public Relations ) ee Shirkada Golis ayaa isna dhiniciisa tilmaamay in shirkadu ay kala qayb qaadan Doonto Dowlada hoose Ee Bosaso Daminta dababka iyo hawlaha amniga, wuxuuna xusay in magaalada Bosaso la gelin doono layman leh adeegyo dheeraad ah oo lagala xiriiro hawlaha amniga , sidoo kalena ciidanka Booliska , dabdamiska iyo d/hooseba hawlahaas laga kaalmayn doono lana siin doono lambaro gaagaaban oo kuwa caalamka oo kale ah .

Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq ) oo ah madaxa Ganacsiga & Suuqgeynta Shirkadda Golis ayaa isna tibaaxay In Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Magaalooyinka qaarkood ay ugu dartay Adeeg Ah koronto Hadh Iyo habeen ah , sidoo kale wuxuu sheegay in adeegga Xogmaal lagu kordhiayay waxyaabo hor leh sida in laga isticmaali karo Mobilka dirista email-da.

Duqa Degmada Bosaso oo goob jog ka ahaa shirkaasi ja’raaid ee ay qabsadeen Madaxda Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Ayaa ku amaanay shirkada Golis sida wacan ee ay u gacan qabanayso Maamulka Degmada Isaga oo si gaar ah ugu soo qaatay Qaabka ay golis shaqaalaheedu ay uga qayb qaadanayaan Daminta Dabka kaca oo ay dhinac socon doonaan shaqaalaha Dowlada Hose ee Bosaso ee Arimahaasi hore u qaba jiray.

Xildhibaan C.xakiin Xaaji Mahamed Dhobadaareed ayaa isna dhiniciisa ku amaanay Golis dadaalkeeda Ku aadan Horumarka Iyo Caawinaada Lacag la’aanta ah ee ay ka geysanayso arrimaha Horumarka degaanka.

Meel Bosaso u jirta 15 KM ayaa waxa uu mudooyinkii dambe tababar halkaasi uga socday Shaqaale hoos tagi doona golis kuwaasi oo ka qayb qaadanaya Daminta Dababka Bosaso ka kaca oo ay Dowladda Hoose ka caawin doonaan Arinkaasi iyadoo goobta tababarku ka socdayna ay maanta booqdeen Madaxda Shirkada Golis Iyo Maamulka Degmada Bosaso Halkaasi oo Shaqaalaha tababarku uga socday ay ku soo bandhigeen Wixii Ay Barteen.





Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >