Muqdisho, (insidesomalia.org)- Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa Maanta Xarun Cusub oo Isgaarsiineed ka furtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wadada Makka Al Mukarama.
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ugu waaweeyn ee ka jira Dalka ayaa maanta Xarun Cusub oo qabaneeysa dhamaan Adeegyada kala duwan ee ay dadweeynaha uga Baahani yihiin dhanka Isgaarsiinta ee shirkada Hormuud ka furtay Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Xaruntaasi oo dhinaca ku heeysa Al Towba Fast food ee Wadada Makka Al Mukarama ayaa waxaa sababta loo furay iyo waxa ay qabaneeyso ka war bixiyay Sarkaal ka tirsan Howlwadeenada Shirkada Hormuud waxaa uu sheegay in arintani ay qeeyb ka tahay qorshe ay shikadu uga haqab tireeyso baahida dadweeynaha ee ku aadan dhanka Isgaarsiinta.
Sidoo kele waxaa uu sheegay Masuulkaasi in ay xarumo nuucan oo kale ah ay ka fureen Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka, iyadoo arintaasi ay wax weeyn ka badali doonto baahida Isgaarsiineed ee Bulshada Soomaaliyeed.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ay xarumo nuucan oo kale ah ay ka furaan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Magaalada Muqdisho waxaana horay uga Jiray dhoowr Xarumood oo ay leedahay Shirkada Hormuud, kaasi oo dhanka Isgaarsiinta ka haqab tira Bulshada.