Home arrow Ganacsiga arrow Shilin Soomaliga oo Quus Laga Taaganyaahay
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Dec 17 2007
Shilin Soomaliga oo Quus Laga Taaganyaahay
Written by Ali Moallim   
Monday, 17 December 2007

Shilin SomaliMarkii ay dhacdey Dowladii Militiriga aheyd ee xukumeysey Dalka Soomaaliya 1991, waxaa soo wajahay Shiliga Soomaaliga hoos udhac weyn, kaas oo sababey in uu qiima beelo Shinlika Soomaaliga marba marka ka danbeeysa.

 

Soomaliya lacagtedii waxay la mid aheyd lacagaha kale ee Dunida laga isticmaalo,balse hada Shilinka Soomaaliga oo uu u weyahay 1,000 Shilin una yeryahay 1,000 Shilin, ayaa waxaa kelya lagu isticmaalaa Wadanka Soomaaliya gudihiisa oo keliya.

 

Dalalka deriska la ah Soomaaliya lagama isticmaalo Shilin Soomaaliga, sida Kenya Djibouti Itoobiya iyo kuwo kale, halka ay iska fogeeyeen Shilin Soomaali in lagu arko Wadankooda gudihiisa.

 

Shilinka Soomaaliga ayaa gaarey heerkii ugu sareeyey hoos udhiciisa Sarifka 100$ Dollar waxuuna joogaa 2,200,000 Shilin, Dadka danyerta ah ayaa cabasho weyn kamuujirey hoos udhaca ku yimid Shilin Soomaaliga xili Dadku ay ku jiraan barakacay iyo dhibaato uu sababey Dagaalka kasoconaya Magaalada Mugdisho.


Ganacsatada Soomaliya ayaa Ganacsigoodii ku saleeya lacagta Dollarka Mareykanka, kaas oo marka uu kaco Sarifka Shilinka Soomaaliga hoos udhac uu kuyimaadaba ay ayaguna ay Badeecadoodii lacag ku kordhiyaan si ay Qasaaro usoo gaarta Ganacsigooda.

 

Kadib baurburkii Daowladii Militiriga aheyd ee uu hor kacayey Gen: Maxamed Siyaad Bare, ayaa Shilinka Soomaaliga uu heeran kala duwan soo marey, Dowladii Cali Mahdi Maxamed waxaa ay soo sameystey Lacag Shilin Soomaali ah oo la oran jirey N50 N20, taas oo laga isticmaali jirey Waqooyiga Mugdisho 1992-1998 - dii.

 

Lacagtan N50 N20 waxaa Suuqa kasaarey Lacag kun kun Shinlin ah oo ay Ganacsto Soomaaliyeed si xad dhaaf ah usoo daabactey ,taas oo lagu soo daadiyey Suuqaqa Magaalada Mugdisho, markii Dalka Djibouti 2001-kii lagu soo dhisey Dowladii Cabdi Qaasin Salaad Xasan.

 

 

Lacagtan 1,000 Shilin ah oo hada inta badan Dalka Soomaaliya laga isticmaalo, ma ahan Lacagtii Originalkii Shilinka Soomaaliga, ee waa Lacag Copy ah oo laga soo Daabacay Makiinado Shirkado Shisheeye leeyihiin, Lacagtan Copy-ga ah waxaa ku yaala Saxiixii Gudoomiyhii Bangia Dhexe ee Soomaaliya, waxaana soo daabacda Lacagtan Ganacsato Soomaali ah oo heshiis kula jira Shirkadaha Shisheeye, kuwaasi oo leh Makiinadaha Lacagaha Faalsada ah lagu daabaco.

 

Kunka Shilin oo hada la isticmaalo ayaa waxaa loogu yeeraa labo Magac Kunka PuntLand iyo Kunkii Caydiid ,waqti xaadirkan waxaa lacagta Shilinka Soomaaliga ah soo daabaca Ganacsato xiriir dhow la leh Maxaweynaha Soomaaliya Md: Cabdulaahi Yuusuf Axamed,

Waxaa mar marka qaar dhacda in lagu dhax arko lacagtan Shilinga Soomalia ah ee uu Kunaka Shilin u yeryahay una weynyaahay, Lacag kale oo faalsadeeda ay aad umuuqato oo ka tayo yer mida ay Ganacsatada soo daabacdaan ,taasoo sida la sheegey lagu daabacayo Wadanka gudihiisa.

 

Waxaa jirey warar isoo taraya oo sheegay in meelo kamid ah Mugdisho iyo Maamul Goboleedka PuntLand ay yaalaan Makinado yer yer, kuwaasi oo lagu daabaco Lacagta Kunka Shilin ah, dabadeedna lagu dhaxqaso Lacagta kale ee yaala Suuqyada Sarifka Lacagaha.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa quus laga taaganyahay Lacagtan Kunka Shilin ah oo hada jirta waxaana dhib weyn loo qabaa Shilinkii Soomaaliga Saxda ahaa , kaas oo isugu jirey noocyo badan laga bilaabo Taano ilaa Kun Shilin, Wadamada Soomaliya diriska ah ayaad ku arkeysaa markii aad tagto in ay isticmaalayaan Lacagohooda Birta iyo tan Nootka ah sida: 1,000, 100, 20, 50, 10 taas oo runtii qiiro kugu abuureysa, Maantan Lacagtii Shilin Soomaliga oo laheyd Naac kasta oo ay Lacag ka koobantahay, waxaa u yer una weyn Kun Shilin, malahan wax kale oo soo raaca kunka.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >