|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa Xarumo Ciidan ka sameystay Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Boliska Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa Xarumahaan dagay shalay markii ay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha,waxaana halkaasi ku sooboqdey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Qaybdiid.
Baraha ay Ciidamada dageen oo kuyaala bartamaha Suuqa Bakaaraha oo dhoor meelood ah ayaa waxay hakad gelisey dhaqdhaqaaqii ganacsiga Suuqaasi,hase ahaatee Ciidamada ayaa Ganacsatada usheegey in ay furtaan Goobahoodi Ganacsi taas oo Ganacsatada aan ucutamin.
Qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa ayaa arinta ku tilmaamay niyad jab weyn ku rideyso ganacsatada Soomaaliyeed,"xarun ciidan iyo Suuq Ganacsi isma qaadankaraan ayu yiri" Ganacsade Magaciisa qariyey.
Horay ayaa waxaa ay Dowladda shaaca uga qaaday in Ciiidamo la dajin doonto Xarumo gaar ah oo ku yaala Suuqa Bakaaraha, balse taasi ay ku gacan seereen qaar ka mid ah ganacsatada suuqaas ku dhaqan.
Ganacsatada Suuqa ayaa wel wel weyn kamuujiyey in Suuqa Bakaarah uu sii halaabaya oo aan Ganacsi kasii socon karin,taas oo ay kumacneeyeen in Xoogaga kasoo horjeeda Dowladda ay weerar kusoo qaadi karaan Ciidamada degey Suuqa Bakaaraha,taasina ay sii holcinkarto dhibaatada kataagan Suuqa Bakaaraha.
tan iyo intii ay iska horimaadyada hubeysan kabilowdeen Magaalda Muqdisho ayaa Suuqa Bakaaraha waxaa kajirtey dhibaatooyin farabdan oo soogaraya dadka Ganacsatada ah iyo weliba Ciidamada Dowladda oo fadhiisimada kulahaa hareeraha Wadooyinka soogala suuqa Bakaaraha.
Kooxaha kahorjeeda Dowladda ayaa inta badan waxay weerar kusoo qaadaan Ciidamada Dowladda oo fadhiisinka kulahaa agagaarka Wada Howlwadaag iyo tan aadan cade,taas oo dhibaato xoog leh ay kala kulamaan Ganacsata iyo dadka rayidka ah ee kaxamasha Suuqa Bakaaraha.
|