Home arrow Ganacsiga arrow Roobab ay Dadka iyo Dunyada ku Diirsaden oo Kada,ay Gobolada Hiiraan

User Videos

    123    
What is Going on?
By: Mohamed Abdi
Saadi Ali iyo Djibouti
By: Mohamed Abdi
Al Shabab Fighters
By: Abbas Gassem
Daawo Quruxda Xamar
By: Abbas Gassem
New Beginning
By: Mohamed Abdi

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Login

Syndicate

Get Our News Updates
May 10 2008
Roobab ay Dadka iyo Dunyada ku Diirsaden oo Kada,ay Gobolada Hiiraan

Written by Ali Moallim,

Published in : News in Somali, Ganacsiga


Baladweeyne,(insidesomalia.org)- Roobab xoogan oo ma higaan ah ayaa xalay ka da’ay Magaalada Balladweeyne ee Gobolka Hiiraan iyo deegaano ku xeeran xili abaaro saameeyn ku yeeshay dadka iyo duunyada laga soo Sheegayay Gobolada Dhexe ee Dalka Somalia.

Robaabkani ma hiigaanka ah ee xalay ka da’ay magalada Baldweeyne iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa mid socday qiyaasti Mudo 4 saacadood ayaa ahaa mid aad u xoogan isla markaana biloowday 9 kii Fiidnimo iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ay si weeyn ugu diisadeen kadib abaaro iyo kuleeylo ka jiray Gobolka Hiiraan.

Tuulooyinka Jiiqle,Booca Quracleey iyo Shabeley ee duleedka Bari ee Magaalada Baladweeyne ayaa lagu soo waramayaa in uu si xoogan uga da’ay Roobka Guga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Dadka ku nool deegaanadasi uu ka da’ay Roobka ayaa waxaa ay sheegeen in Roobka uu ahaa mid dhibco waa weeyn, isla markaana Biyo dhigay dhulka, waxaana dadka ay saaka ku jarmaadeen tabcashada Beeraha oo ahaa kuwo aan waxba lagu beerin xiliyadii lasoo dhaafey.

Sidoo kale waxaa uu Roobkani Biyo dhigay Wadooyinka Waa weeyn ee Magaalada Baladweeyn waloow uu saameeynta ugu balaarana ku yeeshay kumanaanka kun ee Qaxootitiga ku bara kacay Gudaha Baladweeyne, kuwaasi oo hooygoodu uu yahay aqalo ka sameeysan Baakado,Maryo iyo Baco la isku xirxiray oo aan celin karin Roobka Da’aya.

Dhanka kale qeeybo ka mid ah Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa laga soo sheegayaa in uu ka curtay Guga, isla markaana uu xalay ka da’ay Tuulooyin badan oo hoos taga Gooblkaasi.

Roobabkani ka curtay qeeybo ka mid ah Gobolada Dalka ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili abaaro iyo jiilaal daran uu ka jiray Dalka Soomaaliya.

.





Quote this article in website Favoured Print Send to friend Related articles Save this to del.icio.us

Users' Comments  RSS feed comment
 

Average user rating

   (0 vote)

 

No comment posted

Add your comment

Saturday, 10 May 2008
 
Newer news items
Older news items

          Next Page>>

< Prev   Next >