Home arrow Ganacsiga arrow Qiimaha Gaadiidka BL-ka Lagu raaco oo Gaarey Heerki ugu Sareeyey
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 20 2008
Qiimaha Gaadiidka BL-ka Lagu raaco oo Gaarey Heerki ugu Sareeyey
Written by Ali Moallim   
Friday, 20 June 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)-Qaar ka mid ah Gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa qiimaha lagu raaco wuxuu gaaray lacag ka badan 10 kun oo Shilin Soomaali ah.

Gaadiidka BL-ka ah ee Lacagtaas lagu raaco ayaa waxay yihiin kuwa ka taga Suuqa Bakaaraha ee aada Deegaanka Suuqa Xoolaha, waxayna sababtu tahay iyadoo ay wareeg dheer soo gelayaan, isla markaana ay mararka qaarkood isticmaalaan Waddooyin jid carri ah oo xaafadaha dhexdooda ah.

Gaadiidka BL-ka ah ee u kala goosha Bakaaraha iyo Suuqa Xoolaha ayaa waxay maraan Wadada Wadnaha, waxay ka leexdaan Isgoyska Sanca iyagoo u jiheysta dhinaca EX-Koontarool Balcad, inkastoo inta aysan gaarin EX-Koontarool Balcad ay ku leexdaan Waddooyin Xaafadaha dhexdooda mara, kuwaasi oo ay maristooda dhibaato ku qabaan.

Waxaa la is-weydiin karaa maxay tahay sababta ay Gaadiidkaas u soo gelayaan wareegga dheer, wax kale ma ahan waxaa xiran Waddooyinkii 30-ka iyo Warshadaha oo haatan noqday kuwo ay fariisimo ka dhigteen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidka u diida in ay maraan Waddooyinkaas. Sidoo kalena qeybo ka mid ah Wadada Balcad ayaa waxay iyadana ka xiran tahay nawaaxiga Warshaddii Xeyla Bariise iyo Warshaddii Baastada, waxaana halkaas ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah.

Inkastoo Qiimo kororka ku yimid Gaadiidka BL-ka uu u gaar yahay Dadka Degan Degmada Huriwaa iyo qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, hadana waxaa iyana cabasho bilaabay Dadka ku nool degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qudhooda ay Gaadiidleyda BL-ka sare ugu qaadeen lacagta Gaadiidka BL-ka lagu raaco.

Tusaale ahaan Gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala goosha Busteejoojinka Howl-wadaag iyo Sanca waxaa lagu raacaa lacag dhan 3 kun Shilin Soomaali ah, sidoo kale Gaadiidka isaga kala goosha Siinaay ilaa KM4 oo dhinaca Isgoyska Afarta Jardiino laga soo wareegayo waxaa lagu raacaa lacag dhan 5 Kun Shilin Soomaali ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, marka aad weydiiso Gaadiidleyda BL-ka sababta ay qiimaha sare ugu qaadeen waxay kuu sheegayaan in uu Shidaalkii ku qaali-garoobay, Waddooyinka ay isticmaalaanna ay sii burbureen kadib markii uu roob xoog leh ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay wareeg dheer soo galaan si ay u gaaraan Busteejooyinka ay ka shaqeeyaan.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >