Home arrow Ganacsiga arrow Puntland oo Shidaal Soosaareysa
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:138
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:66
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:48
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:333
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Mar 20 2008
Puntland oo Shidaal Soosaareysa
Written by Ali Moallim   
Thursday, 20 March 2008

Gorowe,(insidesomalia.org)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu bilaabayo baaritaan uu ku sameynayo Shidaalka ku jira deegaannada uu ka taliyo.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Maamulka Puntland Xasan Cusmaan Aloore ayaa sheegay in Shirkado shidaalka baara oo ku sugan Magaalada Garowe ay dhawaan bilaabi doonaan baaris ku saabsan Shidaalka ku jira deegaannada Puntland.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Wasaaraddiisa ay diyaarineyso nabadgelyada Shaqaalaha Hay’adaha Shidaalka baaraya, sidoo kalena ay ka shaqeyn doonto Shuruucda u degsan baarista Shidaalka, wuxuuna caddeeyay in ay howshaas haatan si wanaagsan u socoto.

“Horay ayaa loo baaray meelaha haatan Shidaal qodista laga bilaabayo, dhaawaan ayaana lagu bilaabi doonaa Riigagga lagu qodaya Shidaalka”ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Puntland Xasan Cusmaan Aloore.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay arrimaha soo saarista Shidaalka ay kala hadleen Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda ka heystaan Qoraal caddeynaya in ay baari karaan oo ay soo saari karaan Shidaalka, wuxuuna caddeeyay in marka ay Shidaalka soo saaraan kadib ay wax qeybsiga isaga imaan doonaan.

“Kheyraadka Dhulka ku jira ee Umadda Soomaaliyeed Mudada badan ka baahneyd soo saaristiisa Soomaali oo dhan ayaa kheyr ugu jiraa waayo wax bey ku leeyihiin, sidaas darteed waxaan aaminsannahay haddii wax soo saar yimaado, Shaqana jirto in Dadka Soomaaliyeed ay Nabadgelyada ilaalin doonaan”ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Puntland Xasan Cusmaan Aloore.

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >