|
Boosaaso, (insidesomalia.org)- Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka Waqooyi Bari ayaa maanta waxaa lagu gubay Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga, iyadoo gubitaanka warqadahaasna ay ka dambeeyeen wada hadallo dhexmaray Ganacsatadii keensatay Warqadahaasi iyo weliba Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso.
Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada ayaa sidoo kale waxay isku af-garteen in la furfuro oo howlgab laga dhigo Makiinadda lacagtaas lagu daabici jiray, si aysan mar kale u dhicin in lacag Shilin Soomaali ah la daabaco.
Waxaa kale oo ay labada dhinac isku afgarteen in Magaalada Boosaaso dabayaaqada todobaadkan, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota laga dhoofiyo Lix Nin oo Ajnabi ah oo lacagtaas daabici jiray.
Go’aankan ay wada gaareen Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaas, kuwaasi oo beryahan uu faro ba’an ku hayo sicir barar ku yimid qiimaha lakasiisto Raashinka quutul ah.
Lacagahan been abuurka ah ee ladaabacayo ayaa waxay sii bahdileen qiimihii Shilinka Soomaaliga oo markiisii horaba aan cago fiican kutaagneyn,kaas oo maalinba maalinta kadanbeesa hoos usii socda.
Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa manta waxaa kelia laga isticmaalaa 1000 Shilin,kaas oo mantalacagta Shilin Soomaaliga uweyn ugna yer.
|