Home arrow News in Somali
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 25 2008
Nin Qanacsade ah oo Beledweyne Lagu Weerarey
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 25 June 2008

Beledweyne,(insidesomalia.org)-Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar culus ku qaaday Guriga ganacsade Ibraahim Cabdi Dhaay oo ka mid ah Milkiilayaasha Shirkada Khaadka soo galiya Magaalada Beledweyne.

Xiliga weerarku dhacay oo ku beegneyd 1:00 habeenimo ee xalay ayaa markaliya laga wada maqlay xaafadaha Magaalada dhawaaqa hubka fudud iyo kuwa la dul rido gadiidka dagaalka ee loo yaqaan Tikinikada waxaana wararku sheegayaan in kooxaha soo weeraray guriga ganacsadaha doonayeen in ay halkaa ka qaataan hub dhawaan Ciidamada Itoobiyaanku dib ugu celiyeen Maamulkii hore oo la sheegay in qeyb ka mid ah uu gacanta ku hayo ganacsadaha la weeraray.

Dagaalka oo sii xoogeystay ayaa markii danbe waxaa ku soo biiray Ciidamada ilaalada u ah Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise Garaaso iyo Ciidamo horay uga tirsanaan jiray Maamulkii hore ee Yuusuf Dabageed taa oo keentay in kooxaha weerarka soo qaaday la kulmaan iska caabin aad u adag.

inta la ogyahay hal ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka halkii xalay halka labo ka tirsan ilaalada Duqa Magaalada Beledweyne ay ku dhaawacmeen, lamana oga khasaaraha soo gaaray kooxaha weerarka soo qaaday oo markii danbe dib u laabtay.

Weerarka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo cabsi iyo wal walba ku abuuray dadka rayidka ah oo intooda badan xalay soo jeed ku dhameystay ayaa ku soo beegamay xili labadii cisho ee la soo dhaafay dilal is xig xigay ay ka dhaceen Magaalada oo kii ugu danbeeyay kooxo hubeysani ku toogteenn Madaxii Xarunta Cilimi baarista iyo Wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye. Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa saakay gudaha u soo galay Magaalada, inkastoo hadana Ciidamadu dib ugu laabteen fariisinkooda Jatekuudisho ee duleedka Magaalada Beledweyne mana jirin wax howlgalo ah oo ay sameeyeen Ciidamada intii ay joogeen Magaalada.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >