|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Habka korontada ee Soomaaliya waxay gebi ahaan meesha ka baxday horaantii 1991-dii, kadib markii dowladii Milaterigu hogaaminayay ee xukunka dalka la wareegtay 21 Oktoobar 1969-kii ee uu Madaxweynaha ka ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre ay xukunka ka tureen jabhado qabiil bilowgii sanadkii 1991-dii.
Waqti kooban kadib waxaa soo baxday dareenka baahi loo qabo awooda Korontada, taas oo keentay in ay dalka ka hanaqaadaan shirkado yaryar oo koronto si gaar ahna loo leeyahay, kuwaa oo aan awoodi Karin daboolida baahida koronto ee ay qabaan macaamiishooda koronto, taasoo qiimaha koronrtada ay isticmaalaan macaamiishuna uu yahay mid aad u qaali ah.
Sidaa oo ay tahay waxay dab soo saarayaashu isku deyayaan inay uun wax ka daboolaan baahiyaha koronto ee ka jira dhinaca dalabka dab isticmaalayaasha, iyadoo uu barbar socdo hoos u dhac ku yimid bilahii la soo dhaafay macaamiishii isticmaali jirtay kaawooyinka (fiilooyinka) koronto ee weli sii shaqweynaya, taas oo ay sabab u tahay dagaalada iyo rabshadaha ka soo cusboonaaday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya oo ay garab taagan yihiin kuwa Dowlada FKG ah iyo kooxa wax iska caabinta ee Jihaadiyiinta ah ee Al-shabaab. Oo keentay inay dad badan isaga qaxaan magaalada, sida ay sheegtay Hay’ada QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR inay magaalada Xeebeedka Muqdisho ay ka barakaceen illaa 1,000,000 (Hal milyan) oo ruux.
Shirkada Somali Energy oo ah tan ugu weyn shirkadaha faraha badan ee korontada siiya Magaalada Muqdisho ayaa ka aasaasantay kadib markii ay isu tageen dhowr shirkadood oo yaryar sameysatayna Midow iyo isagarabsi, taas oo ay ka soo dhex baxday shirkadan Somali Energy, iyadoo dabka siisa xaafado ka mid ah shan degmo lehna laba xarumood oo laga maamulo howlaha shirkada.
Sida uu Insadesomalia u sheegay C/risaaq Maxamed Xalane oo ah Maamulaha Shirkada Somali Energy "dadku ma noolaan karaan koronto la’aan". Taasina waxay keentay inan ku dhiirano howsha aan u heyno bulshada inaan ka bilowno meel uusan Maamul ka jirin oo aad wax kasta Qatar u tahay.
Baaba’ii ku yimid howlahii adeega bulshada kadib markii la riday Xukuumadii Jen. Maxamed Siyaad Barre waxaa soo baxay in badan oo Muruqmaal ah iyo xirfadleyaal aanan sii wadan Karin howlahii ay hayeen, noqdayna kuwo shaqo la’aan derbiyada la fadhiya intooda badan, wallow sida uu Maamulaha Shirkada Somali Energy uu Insidesomalia ugu warbixiyay sheegay " waxaa ka shaqeeya Shirkada Somali Energy in ka badan 400 ruux oo u shaqeyn jiray WXKU ee xiligii hore ee dowlada, ayna qaataan isu celcelis lacag dhan 100$USD (boqol dollar) qofkiiba.
Qiimaha korontada ee ay Shirkada korontadu ay macaamiishada ku siiyaan ayaa ah kuwo aad u sareeya, iyadoo 1KWT ( halkii kiilowaat) uu u dhaxeeyo 1$-1.5$ noqoneysana 10KWT uu noqonayo inta u dhaxeysa 10-15$ USD.
Xaliimo Cali Cabdulle oo 45 sanno jir ah heysatana afar caruur ah, kana mid ah macaamiisha koronto ee shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee Magaalada dagaaladu aafeeyeen ee Muqdisho ayaa Insidesomalia ku tiri " qiimaha korontadu aad ayey qaali u tahay, balse waxay ka roon tahay wax la’aan", waxay Xaliimo intaa ku dartay "waxay kordhiyeen shirkadaha korontadu qiimaha, kadib markii uu ku yimid kor u kac maalin walba ah qiimaha shidaalku, iyadoo uu kor uga kacay halkii laga soo dhoofinayay ee Emaaraatka Carabta".
Xaliimo waxay sida badan korontada ay isticmaasho u adeegsataa TV-ga, feerada , charging, qaboojiyaha guriga (Air-conditioner), IWM, waxaa bil walba lagu soo dalacaa qiimo koronto oo dhan 10-15$, waxayna Xaliimo sheegtay in uu qiimahu aad u sareeyo, balse waxaan jelahay inaysan caruurtedu banaanka aadin, ayana iskaga baashaalaan TV-ga.
Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan tartan dhinaca awooda korontada ah oo ay kula wareegeyso shirkadaha Koronto ee sida gaarka ah loo leeyahay, iyadoo aysan jirin 16 sanno in ka badan dowlad dhexe awood leh waxna fulin karta, waxayna qorsheyneysaa inay kuwa iminka shaqeeya ay kala wareegto, iyadoo aysan waqtigan shaqeyneyn kaawooyinkii korontada ee xilligii dowlada shaqeynayay oo ah kuwo la baabi’iyay oo la bililiqeystay.
Wakaalada Xooga Koronta Ummada (WXKU) ayaa aheyd tii maamuli jirtay korontadii uu lahaa Dalkeena Soomaaliya, ma aheyn wakaalad ama shirkad si gaar ah loo leeyahay, balse waxaa lahaa Dowlada, korontadeeduna waxay gaari jirtay dalka oo dhan, wallow ay awood yareyd aysana dabooli Karin baahidii waqtigaa jirtay, wakaaladan ayaa hoos tegi jirtay wasaaradii Arrimaha Gudaha ee Dowladii Soomaaliya, awoodii koronto ee xilligaa jirtay ayaa gebi ahaanba burburtay, iyadoo la mid ah burburkii ku yimid kaabayaashii dhaqaalaha dalka ee la burburyay.
Dowlada faderalka KMG ah ayaa lagu soo dhisay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya iyadoo ay gadaal ka riixeysay QM, wasaarada Tamarta ee dowlada FDKG ahna waxba kama qaban dhibaatada heysata awoodii korontada ee dalku lahaan jiray, oo haatan ah mid baaba’san oo eber ah.
|