|
Maxamed Dheere oo Beeniyay Hadal Kasooyeerey Ganacsatada |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 20 February 2008 |
|
Muqdisho (insidesomalia.org) - Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa beeniyay wararka sheegaya in boob loo geystay hantida suuqa Bakaaraha.
Maxamed dheere ayaa ku tilmaamay warkaas mid aan sal iyo raad toona laheyn, isla markaana uu yahay mid lagu karaamo dilayo Ciidamada Dowladda oo uu sheegay in howl gal sifeyn shalay ka sameeyeen Suuqa weyn ee Bakaaraha.
"waad ogtihiin in Suuqa Bakaaraha uu yahay meelaha fidnawadayaasha ku dhuumaaleystaan, weerarada iyo Madaafiicdana ka soo ridaan, marka in la yiraa hantida waa la boobay, waxaan u aragnaa mid been abuur ah"ayuu yiri Duqa Magaalda Muqdisho Maxamed dheere.
Mr dheere waxa uu ku eedeeyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay yihiin kuwo ka dambeeya dhibaato kasta ee ka dhacda Suuqa, oo ah kuwo lagu carqaladeyno Dowladda .
Hadalo kala duwan oo ay soo saareen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxay ku sheegeen in boob iyo Bililiqo loo geystay hantida taal Suuqa Bbakaaraha.
waxayna yiraahdeen Ganacsatada iyo Odiyaasha dhaqanka “waxaa boobey hantida dadweyna Cciidamada Dowladda ee soo galey Suuqa Bakaaraha” .
|