|
Eyl,(insidesomalia.org)- Markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay ayaa ku dul-wareegaya markabka reer Ukraine ee ku afduuban xeebaha Soomaaliyeed, si Maraykanku ay uxaqiijiyaan in xamuulka uu sido ee Taangiyada iyo hubka kale ee saaran aan loola degin.
Mid ka mid ah burcad badeedda oo soo wacay BBC-da ayaa waxa uu ku sheegay in maraakiibta Mareykanka ay u jeedaan, oo ay diyaaraddo dul heehaabayaan, laakiin wax cabsi aanay ka qabin.
Ninkaasi oo magaciisa ku sheegay Sugulle ayaa sheegay in wada xaajood uu u socdo shirkaddii lahayd markabka, isla markaana ay weydiisteen lacag mudax-furasho ah oo dhan 20 Milyan Dollar.
Kabtanka markabka oo isna la hadlay BBC ayaa sheegay in mid ka mid ahaa shaqaalaha markabka oo dhalashadiisu ahayd Ruush uu ku dhintay markabka dhexdiisa, xannuun horey u hayay darteed.
Markabkaasi oo ay burcad badeeddu hadda keeneen meel u dhaw degmada Hobyo, ayaanay muuqan tilmaan muujineysa in markabkaasi Mareykanka ee USS Howard inuu ku dhawaanayo markabka la heysto ee MV Faina, kaasi oo sida 33 taangiyada dagaalka ee noocoodu yahay T-72, kuwaasi oo loo waday ciidamada milatariga ee dowladda Kenya.
Markabkani ka yimid dalka Ukraine ayaa waxaa saaran shaqaale tiradoodu gaareyso 21 qof, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in Ruushka uu markab dagaal u direy xeebaha Soomaaliya si uu gacan uga geysto soo sii deysmada markabkaasi
|