Home arrow Ganacsiga arrow Markab dad ku qabsaday Dekeda Kismaayo.
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:336
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:79
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:673
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:297
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Feb 12 2008
Markab dad ku qabsaday Dekeda Kismaayo.
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 12 February 2008

Kismaayo, (insidesomalia.org) - Markab laga leeyahay Dalka Ciraaq sidayna dhuxul ayaa waxaa uu dab xoogan ku qabsaday Deked Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

 

Markabkani uu saaka Dabka qabsaday ee taagnaa Dekeda Kismaayo ayaa lagu magacaabaa Haniya oo laga Leeyahay  Dalka Ciraaq ayaa Waxaa Gubashadiisa loo Sababeeyay, kadib markii uu dab ka dhashay Dhuxul lagu rarayey markabkaasi.

 

qaar ka mida Shaqaalihii rarayey  dhuxusha ayaa waxaa ay sheegeen in dhuxul fara badan oo si deg deg ah looga keenay dhulka Miyiga ah ay keentay in dab uu ka dhasho markabka gudihiisa.

 

In ka badan 85 Kun oo jawaan oo dhuxul ah ayaa waxaa la tilmaamay in ay saaraayeen Markabka,markii uu Dabka ka kacayay, taasi oo dhamaanteed wada Gubatay.

 

Aadan Cali Saalax oo ka mid ah Ganacsatadada uu urarnaa markabka ayaa  sheegay in uusan  Garaneeyn waxa dhaliyay Dabka waxaana uu xusay in markabkaasi uu u rarnaa dhanka Wadamada Qaliijaka.

 

Mar wax laga weeydiiyay in daminta Markbka dabka ka holcayay ay ka qeeyb qaateen Masuuliyiinta Dekeda Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in marnaba ayan kala qeeyb qaadan waxaana uu xusay in Ganacsatada iyo Shaqaalaha oo kaliya ay iska kaashadeen daminta Markabkaasi.

 

Ma ahan markii ugu horeeysay ee Dekeda Kismaayo uu Markab Dab ku qabsado waxaana sidan oo kale Bartamihii Sanadii Tagtay uu Dab ku qabsaday Dooni Yar oo Iyadana lagu daabulayay Dhuxl, waxaana inta badan loo sababeeyaa gubashada Maraakiiba iyo Doomaha, Ganacsatada oo si deg deg ah Dhuxusha ugu rara ayada oo aan qaboobib.

 

 

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >