Home arrow Ganacsiga arrow Markab Sidey Xoolo oo Degey
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Dec 14 2007
Markab Sidey Xoolo oo Degey
Written by Ali Moallim   
Friday, 14 December 2007

Xoolo SoomaaliyeedMuqdisho, (insidesomalia.org) - Waxaa Xeebaha Dalka Yemen ku degay Markab waday 10 Kun Neef oo Ari iyo Geel ah oo uu ka qaatay Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasi oo Dalka Sacuudiga laga soo celiyay.

Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyada Soomaalida ee Magaalada Cadan ayaa sheegay in Markabkan uu ku degay Xeebaha Dalka Yemen, isla markaana ay ku dhamaadeen 10-kii Kun ee Xoolaha ahaa, inkastoo laga badbaadiyay Shaqaalihii saarnaa Markabka oo isugu jiray Soomaali iyo kuwo Dalal kale u dhashay.

Mr. Xuseen waxaa uu sheegay in Markabkan uu leeyahay Nin Ciraaqi ah oo degan Dalka isku taga Imaaraadka Carabta uu gebi ahaanba degay, isla markaana ay Xoolihii saarnaa ay ku dhamaadeen, wuxuuna intaas ku daray in haatan Xeebaha Dalka Yemen, gaar ahaan Xeebta Xudeyda lagu arkayo Bakhtiga Xoolihii uu Markabka la degay, kuwaasi oo hada ay gurayaan Ciidamada ilaaliya Xeebaha Dalka Yemen iyo Hay'ado Faya-dhowrka qaabilsan.

Markabkan ayaa degay kadib markii ay cilad Farsamo gashay, dabadeedna iyadoo la sameynayo ay Mowjado xoog leh ku kaceen Bada, kuwaasi oo gudaha Markabka Biyo soo geliyay.

Ma jiro ilaa iyo hada War ka soo baxay dhinaca Dowladda Sacuudiga oo lagu sheegay sababta Markabkaas Xoolaha Soomaalida waday loogu diiday in uu Dekedaha Sacuudiga ku xirto, kadibna Xoolaha saaran uu halkaas ku dejiyo,Ganacsatada Xoolahan laheyd ayaa sheegey in ay ugu talo galeen Xoolahan in ay ka gaarsiiyaan Xajka oo hada fooda nagu soo hayo, markaasi oo Xoolah Soomaalida ay Suuq fiican yeelanayaan.

Dhanka kalena Mr: Xaaji waxaa uu sheegay in ay weli gaarayaan Xeebaha Yemen Doomo ay saaran yihiin Dad Tahriibayaal ah oo Soomaali iyo Afrikaan kale isugu jira "shalay waxaa soo gaarey Xeebaha Yemen labo Doomood oo ay ku geeriyoodeen 5 Shan Ruux oo kamid ahaa Tahriibiyaalka" ayuu yiri Xuseen.
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page          

< Prev   Next >