|
Baydhabo,(insidesomalia.org)-Ciidamada Maamulka Degmada Afgooye ayaa maanta Xabsiga dhigay in ka badan 60 qofood oo ka mid ah Ganacsatada Degmadaasi, kadib markii ay diideen qaadashada Lacagaha Duuga ah.
In ka badan 60 ka mid ah ganacsatada Degmada Afgooye oo maamulka Degmadaasi uu ku eedeeyay in ay diideen qaadashada lacagaha Shilin Soomaaliga ah ayaa maanta Xabiyada loo taxaabay waxaana la dul dhigay ganaax Lacag shilin Soomaalia ah oo Gaareeysa 1000.000 (hal Milayan) hadii la doonayo in la sii daayo Ganacsatadaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afgooye Max’ed Cumar Muudeey oo ay Saxaafada wax ka weeydiisay Ganacsatadasi ay maanta Xabsiga geeyeen ayaa sheegay in qofkii ka hor yimada Lacagaha duuga ah ee kunka Shilin Soomaaliga ah uu ku tala galayo in laga qaadi doono ganaax dhan 1000.000hal Milyan oo Shilin Soomaali ah.
Dhanka kale qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maanta iyana Xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay diideen qaadashada lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee duuga ah iyo kuwa Jeex jeexan.
Ciidamada Booliiska Gobolka Bay oo maanta duhurkii si xooga ah ku galay Suuqa Sarfika ee Magaalada Baydhabo ayaa ku amray Gancsatada Sarifta lacagaha qalad iyo Baqaarleeyda in ay si qasab ah ku qaataan lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee Kunka jeex jeexan ama Duuga ah.
Ciidamada ayaa markii ay galyeen Suuqa waxaa ay Xabasiga u dhaadhiciyeen ilaa 3 qofood oo la sheegay in ay ka dhaga adeegeen amarkaasi, kuwaasi oo si qasab ah loo saaray Gaari ay wateen Ciidamada Booliska, kadibna loo sii kexeeyay Xabsiga Magaalada Baydhabo.
Guud ahaan waxaa xiran Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Baydhabo, iyadoo aysan ka jirin wax dhaq dhaqaaq Ganacsi ah.
Arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili dhawaanahan inta badan Gobolada Dalka ay ka jirtay diidista lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee duuga ama jeex jeexan, taasi oo inta badan Shacabka danyarta ah ay dhibaatooyin kala duwan ka soo gaartay.
|